Qiso: Wakhtiyada Ducayooinka La Aqbalo

0
666

Wakhtiyada ducooyinka la aqbalo ayay ka mid tahay inta u dhaxaysa Eedaanka salaadda iyo aqiimidda. Macalimad dhigi jiraty duruusta diiniga aha ayaa tidhi “ Marka la eedaamo ayaan casharad joojin jiray , hablahana waxaan u sheegi jiray inay wakhtigaasi ka faa’iidaystaan oo Allah (sw) baryaan, mar hadii ducadii la aqbalayo”  Sidaa ayay habulhu Allah (sw) u baryi jireen laakiin muddo markii aanu wadanay. Ayaan arkay maalin kasta gabadh yar oo ku raagta ducada.
Gabadhii yarayd ayaan weydiiyay sababta ay ugu raagto waxayna igu tidhi “ Intaan raagay oo dhan waxa keliya ee aan Allah (sw) weydiistaa waa duco keliya, waayo aniga hooyaday markay i dhashay qof danbe may dhalin. Waxaan aad u murugooda marka ay dadku ka sheekaynayaan walalahood. Waxaan Allah (sw) ka baryaa inuu Allah na siiyo gabadh kale oo wehel ii noqota. Hooyaday aya igu tidhi adigu gabadh ayaad tahay wiil inoo bari. Ka dibana Allah waxaan weydiista wiil iyo gabadh inuu na siiyo”.  Muddo ka dib ayay gabadhii yarayd macalimadda u sheegtay inay hooyadeed umushay oo Allah (sw) ducadii ka aqbalay waxayna umushay laba wiil iyo gabadh. Macalimadda ayaa aad uga yaabtay qisadan. Waxa wanaagsan in adiga oo rumaysan aad Allah (sw) barido wakhtiyada ducada la aqbalo.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here