Dagaalada Suuriya oo Sahayday 76 kun oo Qof

0
448

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha ayaa sheegaya in sanadkii tagay ee 2014-ka in dalka Suuriya lagu dilay in kabadan 76,000 oo qof, qiyaastii 18,000 oo dadkaasi ka mid ah ayaa la aaminsan yahay inay shacab yihiin.
Tiradan ayaa muujineysa in 2014-ka ay ahayd sanadkii ugu dhimashada badnayd Suuriya tan iyo markii uu dagaalka bilowday 2011-kii.
Dadka ugu badan ee dhintay waxa ay ahaayeen ciidamada dowladda Suuriya, dagaal yahaniinta mucaaradka, iyo kooxaha jihaaddoonka ah.
Dagaalka sokeeye ee Suuriya ayaa sababay dhimasho iyo burbur aad u ballaadhan.
Kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee dalka Suuriya ayaa sheegaya in sanadkii laga soo gudbay ee 2014kii, ay tiro aad u badan ka dhinteen mucaaradka, dowladda iyo ururada jihaadiga ah.
Ku dhowaad 18 kun oo dad rayid ah ayaa ku dhintay rasaasta ay is dhaafsanayeen dhinacyada dagaalka uu u dhexeeyo.
Dadka dhintay sidoo kale waxaa ka mid ahaa ugu yaraan 1500 oo caruur ah.
Qiyaastii 200,000 (Laba boqol oo kun) oo qof ayaa dalka Suuriya ku dhimatay tan iyo markii kacdoonka uu bilowday.
Kooxo kale oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in tobannaan kun oo qof la la’yahay halkii ay jaan iyo cidhib dhigeen.
Dadkaasi waxaa loo maleynayaa in ay ku maqan yihiin gacanta dowladda ama kooxaha jihaadddoonka ah.
Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa la sheegayaa in jidhdil xun loo geystay halka kuwana la dilay.
Dagaalka ayaa sidoo kale sababay dhibaatadii ugu weyneyd ee bini’aadamnimo oo dhowaanahan la arko, waxaa kaloo uu dhaliyay in inkabadan seddax milyan oo qof ay qaxooti noqdaan.
Madaxweynaha Suuriya Bishaar Al-asad ayaa sheegay in dagaalka uu noqon doono mid dheer oo adag, hadaba sanadkan hadda bilowday lama filayo in isbedel la helo.
Mareykanka iyo dalalka carabta ayaa weli sii wada duqeynta ka dhanka ah ururka Daacish ee dalka Suuriya, khamiistii  oo keli ah 17 jeer ayaa la duqeeyay Khilaafada Islaamka.
 
 
 

Leave a Reply