Maxaad Ka Ogtahay Xaaladihii Ugu Werwerka Badnaa Ee Soo Maray Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki Moon

0
387

Sannadkii ina dhaafay ee 2014-ka waxa caalamka ka dhacay waxyaalo kala duwan oo lahaa farxad iyo naxdinba,waxaana ugu naxdin badnaa waxyaalihii ka dhacay qaaradaha Yurub iyo Afrika,sidoo kalena waxaan meesha ka maqnayn xaaladaha qalafsan ee ka taagnaa barriga dhexe.
Haddaba xoghayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxay Ban Ki-moon ayaa sheegay inuu ahaa sannadkii tegey ee 2014-ku kii ugu murugada badnaa uguna werwerka badnaa dhiniciisa,isaga oo soo qaatay dhacdooyin badan oo ka dhacay caalamka.
Waxaas oo dhana waxa uu markasta kasoo saaraayey baaqyo kala duwan ,waxaana kamid ahaa waxyaalahaasi Xaaladii Ka taagnayd barriga dalkaasi Yukrayn,Xaaladihii dagaal ee Israel iyo Falastiin,xaaladii bani’aadninimo ee Ciraaq,horumar la’aanta qaaradan Afrika,xaaladii amni daro ee dalkaasi Maali iyo kuwo kale oo badan.
Hadal uu jeediyey Ban Ki Moon 24 bishii April ayuu ku sheegay in wax laga xumaado tahay khilaafaadka siyaasiga ah iyo diblimaasiyadeed ee caalamka ka taagani,sidoo kalena waxa uu sheegay inay dhibaato tahay dadka aan haysan wax soo saarka ku filan,kuwaas oo si deg dega ugu baahan waxyaalo ay quutaan.
Bishii April 11-keedii waxa uu sidoo kalena ka hadlay xoghayuhu xaaladaha biyo la’aaneed ee caalamka soo foodsaaraysa waqtiyada soo socda,iyada oo uu sheegay in loo baahan yahay in laga hortago xaaladahaasi soo foodsaari kara caalamkan aynu ku noolahay oo ah kuwo dhibaato badan u geysan kara.
Waxa uu Ban Ki Moon xooga saaray inta badan sidii loo xalin lahaa xaaladaha ka taagan wadanka Suuriya iyo Falastiin oo ahaa kuwa ugu daran,isaga oo sidoo kalena baaqyo badan kasoo saaray xaalada xanuunka halista badan ku haya qaaradda Afrikadda Galbeed ee EBOLA loo yaqaano.
 
 

Leave a Reply