Fallaagada shiicada xuutiyiinta ayaa duqeeyay guriga madaxweynaha caasimada Yaman, halkaas oo ay ku jabiyeen xabbadjooojintii.
Madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi ayaa la sheegayaa inuu kujiray gudaha guriga balse sarkaal ka hadlay ayaa ku adkaystay inuu bedqabo.
Weerarka guriga Mr Hadi ayaa yimi kadib markii ay fallaagadu galeen qasriga madaxtooyada oo ku yaal qayb kale oo magaalada ah, halkaasi oo isku dhac yari ku dhexmaray ilaaladii.
Yemen, oo isbahaysi muhiim ah u ah Maraykanka dagaalka uu kula jiro Al Qaacidada gobolka ayaa waxa carqaladeeyay degganaansho la’aan jirtay bilo.
Maleeshiyada Xuutiyiinta oo u raadinaya madaxbanaani ballaadhan gobolkooda ayaa qabsaday Sanca qaybo badan oo ka mid ah bishii septembar kadib markii ay ka soo ruqaansadeen waqooyiga oo ay ku xooganaayeen.