Fadhiga Badan Oo La Sheegay Inuu Geeri Deg Dega Keeno

0
453

Daraasad dhowaan la sameeyey ayaa lagu sheegay in fadhiga badani uu keeno geeri deg deg ah,iyada oo taasina lagu sababeeyey xanuuno ka dhasha fadhigaasi dadku inta badan fadhiyaan,kuwaas oo aakhirkana noqda kuwa oofsada qofkaasi.
Kooxda khubarada ah ee daraasadan samaysay ayaa sheegay in aanu jimicsigu waxba ka bedeli Karin inta badan xanuunada sida fudud loogu dhinto ee uu fadhiga badani keeno.
47 daraasadood oo hore loo sameeyey ayaa lagu sheegay in fadhi badan oo qofku maalintii oo dhan fadhiyaa inuu keeno xanuuno ku dhaca wadnaha qofka ,sida wadne xanuun,macaan,Cancer iyo xanuunada loo dhinto,sida lagu qoray Health day News.
Cilmi baadheyaashan ayaa cadeeyey in xataa haddii uu qofkaasi sameeyo jimicsi  si joogto ah aanu ka bogsan Karin calaamadaha muujinaaya caafimaad darada,iyaga oo sheegay inay kusoo dhowaanayaan kuwaasi dadka aan iyaguna inta badan samayn jimicsiga badan oo khatar badan ugu jira xanuuno ku dhaca.
“marka aad istaagtid waxa si adag u shaqaynaaya muruqyada jidhka,kuwaas oo meelihii loogu talo galay ku kala baxaaya,kuwaas oo si fudud jidhka ugu ogolaanaaya inuu dhiigu ku wareego,cuntaduna si fiican u gaadho jidhka intiisa kale”.waxa sidaasi yidhi Ofirop Biswas oo ah madax kooxdan daraasada samaysay,sidoo kalena bare ka ah jaamacadda Toronto.
Sida daraasadan lagu cadeeyey waxa caalamka u dhinta sannad kasta  xanuuno socod la’aani keentay dad lagu qiyaasay 3.2 million oo qof,sida ay cadaysay hay’ada caafimaadka ee WHO.
 
 
 
 

Leave a Reply