Sigaarka E-Cigarette-ka Oo La Sheegay Inuu Ka Khatar Badan Yahay Sigaarka Caadiga Ah

0
353

Daraasad cusub oo dhowaan la sameeyey ayaa la sheegay inuu ka khatar badan yahay sigaarka caadiga ah ee dadku isticmaalaan,gaar ahaana iyaga oo kooxda daraasadan samaysay sheegay inuu keeno xanuunka Cancer-ka oo uu dadka si fudud ugaga dhaliyo sambabada iyo wadnaha.
Daraasadan ayaa lagu sheegay inuu sigaarkaasi ka khatar badan yahay sigaarka caadiga ah shan laab,kaas oo xataa ka daran in si isdaba joog ah loo cabo sigaarka caadiga ah,marka loo eego khatartiisa iyo cabitaankiisa,waxaanay intaasi raaciyeen inuu midhkiisa keliyaataa u dhigmo dhawr midh oo sigaarka caadiga ah .
Sigaarkan ayay sheegeen inuu ka kooban yahay suntan loo yaqaano Nicotine-ta iyo sidoo kalena waxyaalo kale oo caafimaadka khatar ku ah,kuwaas oo si fudud u keena xanuuno kala duwan,gaar ahaan xanuunka Cancer-ka loo yaqaano.
Madaxa kooxdan daraasada samaynaysay oo ka socday dalkaasi Maraykanka iyo kooxo kale oo ka socday jaamacadda lagu magcaabo Portland State University ayaa sheegay inay ogaysiinayaan dadka isticmaala sigaarkaasi waxyaalaha khatarta ah ee sigaarkaasi ku jira,kuwaas oo si deg deg ah u keeni kara xanuuno iyo dhimasho kedis ah.
Kooxahan ayaa isticmaalay intii ay ku gudo jireen baadhitaankoodan qalaba loo yaqaano Inhale oo ah mid lagu cabiro neefta marka dib loo qaadanaayo ama la ceshanaayo,waxaanay tilmaameen inay inta badan xanuunkan Cancer-ka sababto suntan loo yaqaano  loo yaqaano Nicotine-ta.
Waxaanay sheegeen in qofka caba sigaarkan ee isticmaala saddex midh maalintii uu qaadanaayo nicotine dhan 14 melligram,taas oo khatar badan ku ah jidhiisa iyo caafimaadkiisaba.
Sidoo kalena waxay sheegeen inay ka khatar badan yihiin qofka cabaaya sigaarkaasi qofka ag fadhiya ee qaadanaaya qiiqa sigaarkaasi,iyaga oo tilmaamay inuu xanuunkaasi Cancer-ka uga khatar badan yahay ka cabaaya sigaarkaasi ,madaama oo uu qaadanaayo ayay yidhaahdeen sigaar Carbon Monoxide ah.
Kooxahan ayaa sheegay in qofka caba maalintii sigaarka caadiga ah laba ama saddex midh inuu qaadanaayo 3 melligram oo nicotine ah ,isaga oo shan jeer ama shan iyo toban jeer uga dhow inuu haleelo xanuunka Cancerku ka sigaarka Electronic-ga ah cabaaya.
Laakin Peter Hagiu oo ah ninka haysta qaybta caafimaadka ee jaamacadda London ayaa sheegay in aanay daraasadani ku taxaluqin xaqiiqda,isaga oo aad uga soo horjeestay,isaga oo tilmaamay in aan si qoto dheer aan loo gelin dhibaatada sigaarkan.
Sigaarkan E-cigarette ka ayaa ah ka ugu qaalisan caalamka ,iyada oo ay inta badan iibsadaan dadka maalqabeenada ahi.

Leave a Reply