Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha Difaaceyaasha Ururadda Madaxa banaan ee xuquuqda Aadamiga Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bulaale, ayaa ku eedeeyay golaha Wakiiladda inay caqabad ku yihiin qabsoomida doorashooyinka iyo dimuqraadiyada dalka.
Saleebaan xuquuq oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu tilmaamay in ururadda u doodad xuquuqda Aadamigu markii ay dhinacyo badan ka eegeen duruufo badan oo dalka ka taagan awgeed in aanay doorashooyinku ku qabsoomi Karin xiligoodii.
Sidaas darteedna looga baahan yahay bulshadda gaar ahaan dhalinyaradda in aanay danahooda u adeegsan siyaasiyiintu, waxaanu soo jeediyay si aanay dhibaato uga iman arrintaasi in ay lagama maarmaan tahay in laga hortago.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shantii sano ee la doortay Madaxweyne Siilaanyo waxa ka hadhay 4 bilood, waxaanay ku qanacsan yihiin ururada u dooda xuquuqda aadamigu markii ay eegeen duruufo badan oo ka jira dalka in aanay dorashadu qabsoomaynin wakhtigeedii, waxaana haboon in maxasteena iyo dhallinyaradeena buuq lagu haasaawinin, oo nin dan leh oo dhami ku odhanin dhagax soo qaata halkan ayuu ku jiraa ninkii Geelayaga qaaday ee aynu shiidno si aanay carruur kale inooga dhiman”.
Sidoo kale Guddoomiyaha Difaacayaasha Xuquuqal Insaanka waxa uu tilmaamay in golaha Wakiilada caqabad ku yahay qabsoomida doorashooyinka, “Aqalka sharci-dejintu waxa uu ku guul darastay in jawi doorasho ku qabsoomi karto dalka ka sameeyaan. Kuwaas oo shuruucdii la habsaamay, waxaanay baarlamaanka Somaliland caqabad ku yihiin dimuqraadiyada Somaliland.
Waxaanay kuraasta fadhiyeen 10 sano, shuruucdii ay ku meel mari lahayd doorashaduna maalin dhawayd aynu Cirro sii daayay, waxaanan ku talin lahaa in doorashada golaha wkaiiladu soo horayso, ta madaxtooyadana dib loo dhigo” ayuu yidhi Saleebaan Xuquuq.
Saleebaan Xuquuq, waxa kale uu si gaar ah u weeraray xildhibaan Siciid Cilmi Rooble opo ka tirsan golaha Wakiiladda oo uu ku eedeeyay inuu yahay shakhsi ku sifoobay inuu umadda Somaliland kala qaybiya. waxaana uu yidhi “Mudanaha Siciid Cilmi Rooble la yidhaahdo intii aan anigu garaadaystay ilaa 1991 mar uu dagaal sokeeye ku jiray oo uu abaabulayay, mar uu lahaa xukuumadii marxuum Cigaal waa xaaraan, waxaana ninkaas looga tag waayay balaayo uun, waxaana uu ka mid yahay dadka dimuqraadiya Somaliland baabiiyay, waayo waxaynu rogno mooyaana Somaliland ha hana qaado uma abuurna, maalin dhawaydna waxa uu lahaa aynu wax shiidno, afar bilood ka bacdi.
Dhinaca kale Guddoomiyaha xuquuqal insaanka Somaliland, waxa uu sheegay in dalku marayo halkii ugu wanaasanayd. Waxaanu yidhi “Wadankeenu waxa uu marayaa maanta meel aad u fiican xaga kaabayaasha dhaqaalaha, dhismihiisa waxaana uu sheegay wasiirka gaadiidka ee dawlada Itoobiya inay isticmaalayaan dekeda Berbera, waxaana uu yidhi wasiirka Itoobiya markab oo xamuula oo Itoobiya leedahay oo labo kami qaadaan shidaalka kii ugu horeeyay bishan gudaheeda ayuu ku soo xidhmayaa dekeda Berbera.”
Dawannews Hargeysa office