Xisbiga WADDANI Oo Si Milgaha ka Baxsan Ugu Hanjabay Golaha Guurtidda

0
337

“Golaha Guurtidu Ma Jiri Doonaan Haddii ay Muddo Kordhin u Sameeyaan Xukuumadda”
 
“Waa Baro-bagaando Iyo Been Isma Casilayo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu”
 
Hargeysa (DAWAN)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa beeniyay warar sheegayay in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha xisbigaasi Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu iska casilayo xilka Guddoomiyaha iyo xubinimada aqalka wakiiladda ee muddo dhaafka ah.
Afhayeenka xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa sheegayay inaanu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu is-casilaynin.
Mr. Buubaa waxa uu dafiray jiritaanka in Guddoomiye Cirro iyo xildhibaanno ka soo jeeda xisbigiisu iska casilayaan Golaha Wakiiladda. “Waa iska Baro-bagaando raqiis ah waxa qorayay wargeyska DAWAN, Waana baro-bagaando wax allaalle iyo wax ka jiraanna ma jiraan. Waana been aan sal iyo raadtoona lahayn.,”ayuu ku Tiraabay  Afhayeenka WADDANI oo shalay u waramayay shabakada Toga-herer.
Xildhibaanku waxa uu u hanjabay Suxufiyiinta Wargeyska DAWAN, waxaanu yidhi “Aflagaadada ay qorayaan warbaahinta dawladduna waa wax  lagula xisaabtami doono,  Waxani ma noqon doono wax inta waraaqo lagu soo saaro la iska tuuri doono, nuqul kasta oo la soo saaro oo wax lagaga sheegayayo axsaabta qaranka waa lagula xisaabtami doonaa cid kasta oo soo qortay.”
Afhayeenka Xisbiga WADDANI waxa uu sheegay in aanay Golaha Guurtidu jiri doonin haddii ay muddo  kordhin u sameeyaan xukuumadda, waxaanu yidhi “Muddo kordhin aan sharci ahayn  oo Guurtidu u kordhinayso xukuumadda haddii ay dhacdo, waxaanu  u arragnaa tallaabo qarankan iyo dalkan lagu duminayo, Waxaanu aaminsan nahay In Golaha Guurtiduna aanu Jiri doonin.”
 
Afhayeenka WADDANI oo la weydiiyay  kaalinta uu   Guddoomiye Cirro  ku leeyahay dib u dhaca doorashadda,w axaanu yidhi “Waa Been  qeyb kuma lihin xisbi ahaan dib u dhaca doorashooyinka, doorashada  waxa jaan-gooya  Komishanka Doorashooyinka, iyaga ayaanna laga sugayaa, waxa jira arrimo waaweyn oo ah diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha lama samayn, agabkii doorashada lagu geli lahaa lama keenin qoddobadaas oo dhan baa ka horeeya qabsoomida doorashadda. Doorashadii wali waa gacan uur ku jirta mar haddii aan la cayimin.”
 
 
Waa dhawaaqa WADDANI ugu hanjabayo Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa ah fadeexad hor leh oo  xisbigaasi calaamatul gelinaysa mustaqbalkiisa ceeryaamadu ku shaqlan tahay, iyadoo  aanay waligeed dhicin in axsaabta Somaliland ay u hanjabaan Golaha Guurtida oo ah Gole qaran oo kaalin shariif ah ku leh qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland.
 
 
Golaha Guurtidda oo ah aqalka sare ee baarlamaanka Somaliland, ayuu dastuurka dalku u jidaynayaa inay muddada u kordhinayaan Goleyaasha qaranka haddii ay dhici weydo doorashaddu, si looga bad-baado in dalku ku dhaco  dawlad la’aan. Waxa xusid mudan in Golaha Wakiiladda ee muddo dhaafka ahi ay muddo dheer ku sii fadhiyaan muddo kordhintii Golaha Guurtidu u samaysay.
 

Leave a Reply