“Waxaa Nasiib darro ah in dad waaweyn ay Go’aamiyaan inay jiri doonto maalin uu dalku bilaa dawlad ku dhacayo”

0
411

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay isla markaana wax aan suurtogelaynin ku tilmaantay go’aamo ay si wada jir ah u soo saareen labadda xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani iyo xubnaha la baxday  Madasha Wada Tashiga.
Go’aamadaasi oo ay ku sheegeen in marka la gaadho 26 bisha June ee sannadkan la kala diro xukuumadda iyo golaha Wakiiladda, isla markaana la soo dhiso xukuumad ku meel gaadh ah, iyagoo sidoo kalena xukuumadda tallada haysa ku eedeeyay in ay wado qorshe ay doonayso in mudadda loogu kordhiyo.
Hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa  arrimahaasi ku tilmaamay wax aan la aqbali karin,   kana soo horjeeddo  shuruucda iyo dastuurka dalka, waxaanu  sheegay  in aanay marnaba dalku ku dhici doonin dawlad la’aan.
C/laahi Cukuse, oo shalay u waramay idaacadda VOA, ayaa sidoo kale  nasiib darro ku tilmaamay in xisbiyada mucaaridka ah iyo xubnaha kale ee siyaasiyiinta ahi ay isku raacaan go’aanka ah inay jiri doonto maalin uu dalku dawlad la’aan ku dhacayo, taasina ay tahay wax aan la aqbali karin.
Waxaanu yidhi “Waxaa nasiib darro ah in dad waaweyn oo mas’uuliyiin ah ay dhamaantoodba  go’aamiyaan inay jiri doonto maalin uu dalku bilaa dawlad ku dhacayo, taasina wax suurtogelaya ma aha, dalka waa la wada leeyahay, iyagana waxaanu ugu yeedhaynaa nabadgelyadana in aynu wada ilaashano, wax kasta oo yimaadana waxaynu ku dhamayn doonaa sidii aynu awalba ku dhamaysan jirnay”.
 
 
Waxa kale oo u xusay in wixii  caqabado ah ee ku saabsan sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd  laga yeelan doono wada tashiyo.  Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa u yidhi “Xukuumadda,  iyo goleyaasha qaranka ee baarlamaanku waxay ku fadhiyaan kalsoonida shacbiga, waxaa dalka lagu fadhiyaa oo lagu shaqeeyaa dastuur uu qaranku leeyahay, hay’adaha ka taliyaana dastuurka ayaa kala tilmaamaya, shuruucda dalka ayaana  kala hagaya.  Dalkani marnaba dawlad la’aan ku dhicimaayo, dawlad, dawlad ayaa  bedesha, sida ay ku  bedelaysana nidaamka, shuruucda iyo qawaaniinta dalku leeyahay ayuunbaa loo marayaa”.
 
 
Waxaanu intaasi ku daray C/laahi CUkuse, in arrinta la xidhiidha doorashadda ay go’aankeeda leeyihiin gudidda doorashooyinka, isla markaana ay iyagu ku dhawaaqi karaan in doorashadu ay ku qabsoomi karto iyo in kale wakhtigii loogu tallo galay.
 
“Doorashadu inay wakhtigeeda ku dhacayso iyo in aanay ku qabsoomi karin, saadaasha iyo mala-awaalka iyo xogaha dibadda ayuu ku hayno oo dhami, waa rayi ay qabi koox ama boqol qof iyo dad kale iyo saxaafaduba, laakiin ku dhawaaqisteeda, waxaa iska leh Komishanka doorashooyinka qaranka,  ilaa hadana  saxa  ma aha wax kasta oo ay cid kale sheegto  oo aan ahayn Komishanka doorashooyinka qaranku in uu sababeeyo in doorashadu ay wakhtigaa dhacayso ama uu sababeeyo in aanay wakhtigaa dhacaynin.
“Dalka waxaa ka jira saddex isbi qaran, labada xisbi ee mucaaridka ah iyo xisbul-xaakimka tallada dalka haya, saddexdaasi xisbi ee UCID, Kulmiye  iyo Waddani, waxay leeyihiin oo ay qayb ka yihiin dhaqan uu dalku leeyahay oo calaamd u ah, taasi oo ah wada tashiga, taana xukuumadu mar walba wada tashiga iyo wada hadalka way soo dhawaysaa, mar kasta oo ay arrini timaadana waa sumad uu qarankani leeyahay, oo waa dhaqan wanaagsan oo ay Somaliland leedahay, waananu soo dhawaynaynaa” ayuu yidhi wasiirka warfaafintu.
 
Wasiir Cukuse, waxa kale oo uu sheegay in ay dhawaan bilaabanayaan kulamo ay wada yeelanayaan saddexda xisbi iyo gudidda doorashooyinka qaranka, kuwaasi oo ay dhinacyadu kaga arrinsanayaan in doorashadu ay wakhtigeeda ku dhacayso iyo in kale. “Waxaa bilaabmaya oo imikana socda kulan hawleed ay kaga wada arrinsanayaan saddexda xisbi iyo gudida doorashooyinku arrimaha ku saabsan doorashadda, in laga degdegana maaha, qofka haddii cadhada iyo caadifadu ka tan badato xaqiiqadda ayay ka fogaynaysaa, markaa waxaanu ku soo dhawaynaynaa xubnahaasi in xaqiiqadda lagu soo laabto”.
 
C/laahi Cukuse, oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Arrinta doorashadu waa arrin qaranku wada leeyahay, arrin ay kooxi leedahay ma aha, xukuumadu  waxyaabaha doorashadda kaga beegnaa way diyaarisay,   dhaqaalaha qaybtii  kaga beegnayd way   diyaarisay, oo  miisaaniyadda qaranka ayay ku jirtaa oo weliba dheeraad ayay ku dartay.  shuruucda wixii ku xidhnaa xukuumadda dhinaceeda  way dhamaysay,  haddii ay tahay Komishanka doorashooyinka dhismahooda xukuumadu way fulisay  oo way diyaarisay, diiwaangerlintii madaniga ahayd way  bilaabantay oo way  socotaa,  kharashkii ku baxayayna way bixisay,  ta kale ee diiwaangelinta codbixiyeyaashana kharashkeeda meelihii qaabilsanaa iyadoo ay jiraan, hadana sidii loo qaban lahaa  xukuumadu way diyaarisay. inahaasi waa kuwa ugu waaweyn ee xukuumadda kaga beegnaa qabashadda doorashadda. Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa ku dhawaaqaya 26 bisha June marka la gaadho”.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply