Gobanimadda Hodanka Ah

0
548

Maansadan la magac baxday Gobanimadda Hodanka ah, waxaa curiyay oo ay maskaxdiisa iyo maankiisa ka soo maaxatay abwaanka da’ada-yar  ee C/naasir  Cabdi Yaasiin, ahna macalin wax ka dhiga dugsiyadda  ku yaalla caasimadda Hargaysa taariikhdu markii ay ahayd 06/03/2015.
 
 
 
Maansadani oo si qoto dheer uga hadlaysa qiimaha ay leedahay gobanimadu, waxaa ku dhaliyay abwaanka sida uu sheegay  ka dib markii ay weftigii ka socday jamhuuriyadda Somaliland  ee uga qayb gelayay wadahadaladii   burburay ee dalka Turkiga ee u dhexeeyay dawladda Xamar    iyo Somaliland.
 
Waxaanay   weftigii metelayay Somaliland   qaadaceen in ay shirkaasi hor fadhiistaan calooshood u shaqaysteyaal  dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland balse u shaqo tegay maamulka Muqdisho, iyadoo  arrintaasina ay ahayd mid ay dawladda Soomaaliya ku jabisay qodobo hore loogu heshiiyay. Hadaba maansadani Gobanimadda Hodanka ah ayaa abwaanka C/naasir waxa uu ku iftiiminayaa qaranimadda Somaliland iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray  iyo hanaanka dawladnimo ee ay Somaliland ku talaabsatay halgankaasi ka dib, isagoo dhinaca kaleena abwaanku ku hogotusaalayna maansadani  go’aankii geesinimadda  ahaa ee ay ergadii Somaliland ku qaadaceen shirkii Turkiga ee burburay. Maansadu waxay ku bilaabanaysaa sidan:
Gobanimadda  hodanka ah
 
Ilayn  hawl yaraan
 
Ku ma aynu  haabane
 
Hanadaynu  ku weynay.
 
 
 
Halyeeyadii iyo  maaliyo
 
Dhiigooda  u huray
 
Dhulkeena  hooyo
 
Mahad baan u haynaa.
 
 
 
Midawgaan  ku  hungawnay
 
Haydaaraduu   lahaa
 
Mid  aan hilmaamayno
 
Habeen  qudha maaha.
 
 
 
Halgamaa   aqoontiyo
 
Caqliga   haboon
 
Rabi u hibeeyaa
 
Hogaansha   dalkayga
 
 
 
Hillinkii   dadkaygu
 
Dalkooda  ku hanteen
 
Hal  weeye  duruus
 
Hubaal  laga dheehdaa
 
 
 
Habka   dawladnimo
 
Siduu   ku hanaqaaday
 
Hanaan  weeye  dadkaygu
 
Hamigooda   ku gaadheen
 
 
 
Somaliland  heedhe
 
Waa   hoyga  sinaanta
 
Waa   meel ku hodana
 
Hufnaantiyo   nabada
 
 
 
Halgamaa   aqoontiyo
 
Caqliga   haboon
 
Rabi  u hibeeyaa
 
Hogaansha   dalkayga
 
 
 
Dhamaad……..
Abwaan C/naasir  Cabdi Yaasiin…
 
 
 

Leave a Reply