Haddii ay Nabaddu Xumaato Caruurta Ilkaha Ayaa Lagu Qaadanayaa’ Axmed Shiine

0
464

Hargeysa (Dawan)- Mujaahid  Axmed Maxamad Cali Shine  oo ka mid ah mujaahidiintii ururkii SNM  ayaa ka waramay qiimaha ay ku fadhido iyo muhiimada ay leedahay nabadgelyada  ay Jamhuuriyada Somaliland ku naaloonayso iyo sidii ay ku timi.

Mujaahid  Axmed Maxamad Cali Shine waxa uu sheegay in nabadgeliyada ay haystaan shacbiga reer Somaliland aanay ku iman dhayel, balse ay tahay mid uu dhiig badani u daatay, isla markaana ay u geeriyoodeen oo ay naftooda u hurreen kumanaan kun oo geesi, waxaanu ka codsaday bulshada reer Somaliland in meel looga soo wada jeesto ilaalinta amniga.

Axmed Maxamed Cali Shiine waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Dawan, isaga oo ugu horayn arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “nabadgalyada Somaliland waxaa u daatay dhiig ,waxaana inagaga burburay hanti  aynu boqolaal sanno iyo boqolaal sanno aynu wadney oo ay dhaqanaynay ,taas oo ay gobanimadu inoogu taagan tahay  qiimo badan.”

Shine isaga oo hadalkliisa siiwata waxaa uu intaas raaciyay” waxaanan umada Somaliland ka codsanayaa in markastaba la ilaaliyo nabad-galiyada iyo amniga oo waajib inagu ah oo muqadasa oo yar iyo weynba u dan ah,  haddii nabad-galiyadu xumaatana waxbarasho jirimayso caafimaadna jirimaayo, caruurtana waxa lagu qaadanayaa ilkaha, wax inagu cusubna maaha taana horeynu u soo marnay, waana mid aynu ka qaangaadhnay muddo hadda laga joogo 23-sanadood, ayaynu wadankeena dhisanaynay  xukuumad kastoo la soo doorto ama dhisantaana waxbay ku daraysay, meelbay soo gaadhsiinaysay,  waanad ogtihiin meeshii laga soo bilaabay sannadkii 1991-kii inay dhulka aheyd. haykalkii dowladnimo ALLA hawnaxariistii madaxweyne Maxamad Xaaji Ibraahin Cigaalba inoo bilaabay oo ahaa ruugcadaaa siyaasiya hanaanka doorashooyinka badan waxaa ina soo gaadhsiiyay  Mudane Daahir Riyaale kaahin.”

Dhanka kale waxaa uu sheegay in  Madaxweyne Axmed Maxamad Maxa,uud (Siilaanyo)  uu yahay ragii sida weyn ugu soo halgamay qaranimada iyo jiritaanka Somaliland oo uu yahay nin ruugcadaaya iyo  waaya arag  mudo nus-qarni ah ku soo jiray siyaasada, isla markaana aanay dawladi gacantiisa ku burburayn waxaa uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu dawladii Somaliya ka doorbiday siduu wadankiisa u xoreyn lahaa ugana difaaci lahaa cadawga, tiina ILLAAHAY waa uu ku guuleeyay,  maantana ugama  baqanayno in isaga oo jooga wadanka  ay fowdo ka dhacdo.”

Mujaahid Axmed Maxamad Cali Shine waxaa kale oo uu intaas ku daray “waa nin waayeela, waa dublamaasi dhab ahaana waa ay yar yihiin wax isaga la mida oo maanta Afrika jooga waa inaynu gacmaha wax la qabano oo cida nabad-galyo-darada abuureysa dhinac kasta haka soo jeedaane aynu meel uga soo wada jeesano, sababtoo ah hadii umadu ay nabad galyo waydo dhibaato ayaa imanaysa, haddii ay dhibaato timaadana qaxooti baa imanaya, taasina waxaa ay horseedaysaa in dhimasho iyo rafaad meesha yimaadaan.”

Axmed Maxamed Cali Shiine waxa uu si gaar ah ugu soo jeediyay shacabka jecel horumarka in ay si feejigan u ilaaliyaan nabadgelyada iyo amaanka dalka, waxaanu yidhi “nabadgaliyada oo aynu ilaalinaa waxa ay horsed ka tahay in caruurteena badaha isku gureysa ee tahriibaysaa ay istaagaan,  ubaxa wadanka u soo korayaana waa mustaqbalkii berito,  waxaa aynu maanta meesha aynu taaganahay ku soo gaadhnay waa isku duubni isku tanaasul, isku tashi shacabka Somaliland-na maaha mid ay maanta cidi kala kaxeyn karto, waana in meel looga soo wada jeesta wixii nabadgaliyadeena iyo qarankeena ba waxyeelaya  ee wadankeenana fowdada ka abuuraya,  waanad ogtihiino oo culimaynu leenayahay, aqoon yahanbaynu leenahay waxaanan umada Somaliland ugu baaqaya  inuu qofkastaaba noqdo askari  nabad-sugida  oo muwaadin  ah ilaaliya wadanka, isuna xilqaamo oo nimanka ciyaalka tahriibinaaya ee magafayaasha ah ee xaafadaheena ku dhexjira ee dadka raraya waa in la soo sheega oo qof walba meesha saldhig boolis ugu dhaw uu ku soo wargaliya ciyaalka maanta la tahriibinaayaana waa kheyraadkii wadanka oo la guranaaye  waa in meel looga soo wada jeestaa,  in wadankaaga wixii carqaladgalinaaya aad soo sheegto oo aad laamaha dowlada wax kala qabaatana maaha guulwadeyn iyo basaasnimo ee waa muwaadinimo, wadankaaga oo aad ilaashataana waa karaamo iyo sharaf.”

 

 

Leave a Reply