Shaqaale Dibadbax Dhif ah ka Dhigay Dubai

0
487

Boqolaal shaqaalaha muhaajiriinta ah ee ka tegay  Koofurta Aasiya  ayaa ka dhigay bannaanbax mar la arag ah magaalada Dubay iyaga oo ka cabanaya  xagga  mushaharka muran u dhexeeya iyaga iyo shirkad kuwa dhismaha ah oo ay u shaqaynayeen.
Sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyay shaqaalaha oo xidhay jidadka mashquulka ah ee mgaalada Dubay subaxnimadii Salaasada.
Bannaanbaxyada  ayaa ka mamnuuc ahaa Imaaraatka Carabta, waxaana ka hortegay booliska rabshadaha.
Mudaharaadka ayaa ku dhamaaday iyada oo any dhicin wax rabshado ah ama xadhig midna, waxaanay dawladda Dubay sheegtay in la xaliyay  murankii.
Booliska ayaa sheegay in mudharaadka oo xayiray suuqa ugu weyn Dubay lagu xaliyay muddo saacad ah.
Boqolaal kun oo shisheeye ah ayaa ka shaqaysta dhismaha Imaaraatka, waxaanay badankoodu la kulmaan tacadi iyo in aany helinxuquuqdooda.
Mohammed,  oo ka mid ah shaqaalha dhismaha ee mudaharaadayay ayaa u sheegay  Reuters news agency in mushaharka shaqaalaha ee aasaaska ah uu yahay wax ka yar  500 dirhams (£90; $136).
Waxa uu intaa ku daray in laga jarey shaqadii dheeraadka ahayd ee u kordhin lahayd taasi oo ka dhigi jirtey  – 1,100 dirhams.
 

Leave a Reply