Ciidamada Ruushka Oo Noqday Kuwa Ugu Dumarka Badan Ciidan Ahaan

0
466

Dawlada dalkaasi Ruushka ayaa noqotay dawlad ay ciidamadeeda ku jiraan dumar aad u badani, kuwaas oo qaata tabobaro kala duwan oo badan, kana barbar dagaalama raga ka tirsan ciidamada dalkaasi.
Dumarka ciidamadan ku jira ayaa ah kuwo meelo muhiim ah kaga jira, gaar ahaana dhinaca saraakiisha ayay kaga jiraan kaalmo sarsare,kuwaas oo lagu soo daray 10 kii sanno ee ugu dambeeyey, waxaanay sannado ka hor marayeen 6% .
Kuwo badan oo  kamid ah ciidamadaasi ayaa iyagu isu ah xaasas,kuwaas oo ka wada tirsan ciidamada dalkaasi, waxaanay noqdeen ciidamada ugu badan ee dumar ku jiraan caalamka.
Sidoo kale dumarka dalkaasi Ruushka ayaa jecel inay guursadaan raga kamidka ah ciidamada dalkaasi, Sababtuna waa iyaga oo qaata mushahar aad u badan,sida lagu sheegay jariirada lagu magcaabo  Pravda Russian, waxay tilmaantay in daraasad ay sameeyeen ku ogaadeen in dumarka dalkaasi 17% ay jecel yihiin inay guursadaan raga ciidamada ku jira.
Dad badan oo u dhashay dalkaasi Ruushka, kana mid ah raga iyo dumarka dalkaasi ayaa aaminsan in ciidamada laysu qoro si dalka loogu shaqeeyo ,iyaga oo markasta tabobaro kala duwan oo difaaca ah ku qaata meelaha ciidamada xataa haddii aanay ciidamada gelin.
 
 
 

Leave a Reply