Bangiga Dahabshiil oo Qayb ka Qaatay Taageerida Shir loo Qabtay Maal-gashiga Soomaalida

0
451

Nairobi (Dawan)- Bangiga Dahabshiil International (DBI) oo ka mid ah shirkadaha Dahabshiil Group, ayaa qayb ka qaatay taageerida shir caalami ah oo loo qabtay maalgashiga Soomaalida iyo sidii loo soo jiidan lahaa maalgashadayaasha adduunka, kaasi oo lagu soo gunnaanaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Arbacadii.

Sida lagu sheegay warbixin laga soo saaray shirka, waxa lagu dhiirrigeliyey ganacsatada Soomaalida inay hormood ka noqdaan dib-u-dhiska dhulkooda, iyadoo la isla qaatay baahida loo qabo in maalgashadayaashu ka faa’iidaystaan deganaanshaha nabadeed ee waqtigan, isla markaana beesha caalamku inay ka midho-dhaliyaan caawimo dhaqaale.

Maamulaha guud Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo shirkaddiisu hormood u tahay isu-socodka lacagaha, ayaa sheegay Dahabshiil door wayn ka qaato yaraynta faqriga iyadoo lacago taageero iyo amaah ahba siiyaan dadka Soomaalida ah, “Shirkadayadu waxay u suurtogelisay Soomaalida qurba-joogga ah inay lacagta u soo diraan qaraabadooda. Sidoo kale, waxaannu taageernaa ganacsiyada cusub annagoo siina lacago lagu bilaabo iyo amaah,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Ducaale.

Agaasimaha shirkadda Shuraako Mr. Lee Sorensen, ayaa sheegay in dhawr maalgashadayaal muhiim ahi ay shirka ka ballanqaadeen lacag ilaa $500,000 (shan boqol oo kun dollar) oo dhaqaale maalgalineed ah si loogu taageero dib-u-dhiska adeegyada caafimaad ee Soomaalida.

Ganacsatada Soomaalida ee lagu casuumay shirka, ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadayaasha caalamiga ah inay ganacsigooda uga faa’iidayeen fursadaha badan ee ganacsi ka jira, waxaanna madaxdaasi qola waliba soo bandhigtay warbixinno la xidhiidha adeegayada la maalgashan karo, waxyaabaha fududaynaya maalgashiga ee ay sameeyeen iyo xaaladdaha ammaanka.

Shirkan waxa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Safaaradda Maraykanka ee Nairobi, Bangiga Adduunka iyo shirkad fadhigeedu yahay Maraykanka oo la yidhaa Shuraako, isla markaana hirgelintiisa ay qayb ka qaadatay shirkadda Dahabshiil oo ay goob-joogayaal ka ahaayeen Maamulaha guud Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo saraakiil ka socotay Bangiga Dahabshiil, waxa ka qaybgalay ganacsato, maalgashadayaal, khubaro ku takhasusay maalgashiga iyo horumarintiisa iyo hay’ado caalami ah, kuwaas oo diirrada saaray maalgashiga gobollada Soomaalida iyo helitaanka qorshayaal soo jiita maalgashadayaasha.

Saddex maalmood oo uu socday shirku waxa ka qaybgalayaashu falanqeeyeen fursadaha maalgashiga ee ka jira dhulka Soomaalida ee dhinacyada tamarta la cusboonaysiiyo, khayraadka dabiiciga ah, heerka koritaanka ee ganacsiga, adeegyada horumarinta ganacsiga, ganacsiga dumarka iyo dhallinyarada iyo qaybo kale oo badan.

Shirkani waxa uu daba socday dhawr ka horreeyey oo lagu qabtay magaalooyinka Nairobi, Dubai iyo London, iyadoo marba marka ka dambaysa sii badanayaan ka qaybgalayaasha iyo daneeyayaasha maalgashigu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply