Odayaasha Madashu waxay Iftimiyeen Awood-darrada iyo Aragti-gaabnida Xisbiyada Mucaaridka!

0
550

Xisbiyada Mucaaridku (UCID iyo WADDANI) waa Golayaal Qaran oo Siyaasadeed oo Distoorka Qaranku dhab ahaan u jideeyey, awood buuxdana u siiyey inay la xisaabtan iyo daba-galba ku samayn karaan Xukuumadda hadda talada haysa. Sidoo kale, Xisbiyada Mucaaridka wuxuu Distoorku u jideeyey inay ka hadli karaan, naqdiyi karaan ama ay dhalliili karaan marxalad kasta iyo xaalad kasta oo ay Siyaasadda Dalku marayso.
 
Haddaba, marka Goleyaal Siyaasadeed oo Qaran oo Distoori ahi ay iskaashi iyo wada-shaqayn la yeeshaan ama ay heshiis la sexeexdaan Gole kale oo Qayrul Distoori ah, waa talaabo si cad uga hor imanaysa Distoorka iyo Shuruucda u dhigan Qaranka JSL. Tallaabadan ay ku dhaqaaqeen Xisbiyada Mucaaridku, waxa kale oo ay khiyaamo iyo ballan-furba ku tahay bulsho-weyntii codkooda ugu deeqay ee u doortay in Xisbiyada Mucaaridka ay matalaan danahooda iyo fikirkooda siyaasadeed.
 
Awood darrada iyo aragti-gaabnida siyaasadeed ee ka muuqata Xisbiyada Mucaaridka (WADDANI iyo UCID) waxay ku qasabtay, iyagoo og inay yihiin hay’ado Distoori ah, inay isu dhiibaan oo ay hoos tagaan Gole Qayrul Distoori ah, oo isu magacaabay Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta, Golehaas oo haatan isu rogay: Madasha Kala Tashiga iyo Tafa-raaruqa-Bulshada JSL. Dhinaca kale; Madasha Wada-Tashiga ee ay nimanka odayaashi ahi ku bahoobeen (fikir, muruq iyo maalba), ma aha Gole waafaqsan Nidaamka Sharci ee Dalka ka jira. Waa Madal aan Qaynuun ahaan jirin, sidaa darteed dhawaaq kasta oo ka soo yeedha iyo tallaabo kasta oo Siyaasadeed oo ay Odayaasha Madashu ku dhaqaaqaan waxay si weyn uga hor imanaysaa Sharciga iyo Distoorka Qaranka kaasoo lagu ansixiyey Afti Dadweyne.
 
UCID iyo WADDANI waxay garan waayeen Xilkii iyo Waajibaadkii uu Distoorku u jideeyey waxayna garab-mareen Macnihii iyo Milgihii ay Xisbiyo Mucaarid ahi lahaan jireen. Xisbiyada Mucaaridku ma hayaan aragtidii iyo farsamadii Siyaasadeed ee Qaran lagu dhisi lahaa Ummadna lagu hoggaamin lahaa. Arrinta la yaabka lihi waxa weeye in Odayaasha Madashu aanay haba yaraatee aqoonsanayn jiritaanka iyo Sharcinnimda Xisbiyada Mucaaridka ah. Odayaasha Madashu waxay arkeen awood-darrada iyo aragti-gaabnida ka muuqata, waana ta keentay inay labada Xisbi Mucaarid midkoodna aamini waayaan oo ay ku biiri waayaan. Taa beddelkeeda, Odayaasha Madashu waxay go’aansadeen inay samaystaan Gole aan haysan awood Sharci iyo Cod Shacbi midnaba. Bal iyadbe waa yaabe, Gole isagiiba Sharciga Qaranka baal-marsan ayaa waxa haddana loogu talagalay inuu hago, indho u noqdo oo uu shukaanta u qabto kuwii Sharciyadda haystay ee uu Distoorku Qaranku awoodda buuxda siiyey Shacbiguna codkooda ugu deeqeen si ay Ummadda u hagaan. Haddaba, Xisbiyo Qaran oo iyagii la hagayo oo fikir ahaan iyo aragti ahaanba uu hagayo Gole kale oo Qayrul Sharci ahi, ma kula tahay inay iyagu ummad hoggaamin karaan?
 
Tubta Siyaasadeed ee ay hayaan Xisbiyada Mucaaridku waa mid ay ka maqan tahay Haybadii iyo Hayal-samaantii looga baahnaa inay la yimaadaan Xisbiyo Mucaarid ahi ee Qaran lagu dhisi lahaa ummadna lagu hoggaamin lahaa. UCID iyo WADDANI ma laha hankii, hadafkii iyo hubsiimadii looga baahnaa Xisbiyo Mucaarid ah. Way ka maqantahay in alla intii ay Kursiga ku hanan lahaayeen ama ay Codbixiyeyaasha ku soo jiidan lahaayeen; sida Daacadnimo, Run-sheegnimo, Waayo-aragnimo, Dulqaad, tab iyo farsamo Siyaasadeed oo dadka iyo dalkaba u tudhaysa oo Qaran lagu dhiso Ummadna lagu hoggaamiyo.
 
Gebagabo:
Xisbiyada Mucaaridku lamay imanin aragti iyo fikir siyaasadeed oo ku salaysan wax toosin, wax dhisid, waddannimo iyo dal jacay dhab ah, aragti siyaasadeed oo salka ku haysa isbeddel dhab ah oo hanka iyo himilada bulshada kobciya. Taa beddelkeeda, UCID iyo WADDANI waxay Yool iyo Min-qiyaasba ka dhigteen caadifad, qabyaalad, nacayb qabiil iyo mid shakhsiyadeed, gobolaysi iyo takoor-bulsho, fidmo iyo xaalad-abuur joogto ah oo ay Bulshada ka dhex wadaan. Xisbiyada Mucaaridku waxay gebi ahaanba ku guul-darraysteen inay bulshada si cad ugu soo bandhigaan bernaamiyada dhaqaale, bulsho, nabadgelyo, shaqo-abuur, siyaasadda dibedda iyo ictiraaf raadiska ee ay ku qancinayaan codbixiyeyaasha in UCID ama WADDANI ay talada iyo hoggaanka dalka uga fiicnaan lahaayeen Xisbal-xaakimka iyo Xukuumaddiisa hadda talada haysa.
 
Guntii iyo geba-gabadii, UCID iyo WADDANI maadaama ay ku fashilmeen kuna guul-darraysteen Xilkii iyo Waajibaadkii uu Distoorku u jideeyey, maadaama ay lumiyeen Macnihii iyo Milgihii ay Xisbiyo Mucaarid ahi lahaan jireen; waxa keliya ee haatan UCID iyo WADDANI la gudbooni waa iyagoo gebi ahaanba isu dhiiba Odayaasha Madasha Wadatashiga, isla markaana iyaga ku wareejiya Xilka iyo Masuuliyadda Distooriga ah ee loo igmaday Xisbiyada Mucaaridka.Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh.
Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply