Ingiriiska Oo Shirkadda Youtube Heshiis Kula Galay Inay Qaybo Barashada Ingiriisida Ah Laga Baran Karo

0
387

Dawlada dalkaasi Ingiriiska ayaa shirkadda Youtube heshiis kula gashay inay kusoo biiriso shabakadaasi qaybo cusub oo laga baran karo luuqada Ingiriisida, taas oo ka koobnaanaysa dhawr qaybood oo kala duduwan.
Qaybo kamid ah shaashadan ayaa waxa lagu borogaraamiyey  qayb laga barto English of the British Council,sidoo kalena waxa laga heli karaa qayb kale oo lagu magcaabo Anglo-Link oo iyadana si fudud looga baranaayo luuqada Ingiriisida,waxaana laga baran karaa wadahadal iyo kelmado la xafidaayo labadaba.
Jennifer ESL Channel ayaa ah jananka ugu xiisaha badan ee ku jira lagana barto luuqada Ingiriisida,waxaana ku jira qaybo medelaado ah ,sidoo kalena Games  badan oo xarfo ahaan loo isticmaalayo ayaa ku jira Channel-ka.
Waxyaalaha kale ee lagu daray waxa kamid ah Rachel’s English,English Lessons4U,Learn English with or ESL,Let’s Talk iyo kuwo kale oo badan,kuwaas oo dadku si fudud uga baran karaan English-ta.
Jananka lagu magcaabo Channel Kids Tv123 ayaa ah mid u gaara caruurta,taas oo laga baran karo ingiriisi bilaw ah iyo mid dhex dhexaad ah intaba.
Ugu dambayn waxa lagu soo daray  Learn English with Steve Ford oo ah mid isna laga helaayo buuga caanka ah ee TOEFL –ka loo yaqaano,kaas oo ardayda jaamacaddaha ka caawinaaya barashada buugaasi.
 

Leave a Reply