Dawlada Maraykanka Oo Caruurta Yar Yar Ku Tabobaraysa Sida Loola Nolaado Xanuunada Khatarta Ah

0
414

Xarun kamid ah xarumaha lagu xanaaneeyo caruurta ayaa ugu horeyn bilawday inay caruurta yar yar barto hababkii ay ula dhaqmi lahaayeen ulana noolaan lahaayeen xanuunada khatarta ah, gaar ahaana xanuunka Cancer-ka oo faro baas ku haya wadankaasi.
Caruurtan ayaa la barayaa sidii ay raaxo u dareemi lahaayeen iyaga oo is ilawsiinaaya werwerka, sidoo kalena u qaadan lahaayeen dawooyinka la siiyo, waana mid lagu ilawsiinaayo  xanuunka xaruurtaasi soo food saara iyo sidoo kalena xanuunada  qoysaskoodu qabaan.
Xarunta lagu magcaabo Vvnon Fighting ayaa bilawday sidoo kale inay xaruntooda  ku tabobaraan caruur badan oo waxbarashada dugsiyada dhexe iyo sare ku jira,kuwaas oo la baraayo hababka aynu soo sheegnay.
Sidoo kale hay’ada caafimaadka ee wadankaasi Maraykanka ayaa bilawday inay bixiso Projects ay kor ugu qaadayso waxbarashada dhalinyaradda  Schoolada ku jirta, taas oo lagu baraayo sidii ay ula qabsan lahaayeen xanuunada ,sidoo kalena ula noolaan lahaayeen, waxa kale oo loo raacinayaa hab ay guryohooda haddii ay jirto cid xanuun qabtaa u dejin lahaayeen.
Mashruucan ayaa lagu magcaabaa Martial Arts Program,waxaana mashruucaasi qaatay sidoo kale Northern Detroit Studio oo ah meel lagu barto  farshaxannimada iyo habab kala duwan ee nolosha looga dhigaayo mid ay raaxo dareemaan, iyaga oo is ilawsiinaaya xanuunka haya, waxaa kuwo kamid ah la barayaa hababka sawiradda ee kala duwan.
Waxa kale oo la barayaa habka dawo qaadashada, caawinta dadka xanuunada  qaba, gaar ahaana siinta dawooyinka, iyada oo sidoo kalena la baraayo inay ka hortagaan caajiska.
Barashada qaababkan ayaa lagu bilaabay caruur dhan tiro ahaan 16 caruur ah, kuwaas oo ka kala socday dugsiyada dhexe, kuwa sare iyo jaamacaddaha dalkaasi Maraykanka.
Madaxa xarunta mashruucan ku guulaysatay oo la filaayo inay sannadkan waxbarasho taas lamid ah u furto arday badan ayaa yidhi “waxaanu sidoo kale wadnaa barnaamijyo kale oo aanu dadka daroogooyinka isticmaala kaga reebayno isticmaalkooda, anaga oo siina tabobaro kala duwan,waxanaanu rajaynaynaa inay tanina noqoto mid taas lamid ah,ana oo caruurtaasi ka dhigayna dhakhaatiir  guryohooda iyo naftoodaba kusoo kordhiya waxyaalo badan oo cusub,ana oo u tabobarayna caruurtaasi inay marka hore iyagu iska bilaabaan aqoon ahaan kadibna guryaha u gudbaan”.
Wadanka Maraykanka oo ah wadanka inta ugu badan ay caruurtiisu qaadaan  xanuuno kala duwan, gaar ahaana xanuunka Cancer-ka oo ah mid dadkaasi si balaadhan uga jira, waxaanay tani noqonaysaa fursad ay qoysaska dalkaasi u helaan inay caruurtoodu noqdaan kuwo aqoon u leh xanuunkaasi iyo kuwo lamid ahba.
 
 
 
 

Leave a Reply