Maxay Aaminsan Yihiin Dadka Dhiiga Cabba?

0
389

Inkasta oo Muslmiinta ay xaaran ka tahay inay cabaan dhiiga socda, haddana meelo badan ayay si weyn looga isticmaala cabitaanka dhiigga xoolaha iyo xayawaanada kale. Qabiilooyiinka sawirka ka muqda waxay degan yihiin dhulka dooga ah ee Kiiniya iyo Kongo waxa ku filaan weyday inay lo’da ama xoolaha kale ee ay leeyihiin hilibkood iyo caanahooda u cunaan waxayna cabaan dhiigooda iyagoo nool oo meelo ka dalooliya.
Waxay caado u leeyihiin inay waran ama leeb ka taagaan Lo’da ama Riyaha ka dibna dhiiga ay weel u dhigtaan si ay u cabaan sida ka muuqata sawirka.  Ragga ayaa subaxa hore caba iyagoo sheega inuu quwad siinayo ay ku sheqeeyaan maalintii. Dumarka uurka leh iyo caruurta ayaa iyna la siiya iyagoo sheega inay difaacooda u kordhinayso.  Waxay aaminsan yihiin inuu xanuunada ka difaacayo isla markaana uu cimrigooda dheeraanayo. Laakiin nasiib daro cilmi baadhis lagu sameeyay qabiilooyiinka isticmaala dhiiga ayaa muujisay in cimirgooda dhexdhexaadka ahi aanu dhaafin 45 sano.
 

 
 

Leave a Reply