Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Dib-U-Dejinta Oo Xilkii Kala Wareegay Wasiirkii Hore

0
367

Hargaysa (Dawan): Wasiirka cusub ee  Wasaaradda dib-u-dejinta  ayaa shalay si rasmi ah xilkii wasaaradaasi ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda Dib u dejinta.
 
Munaasibadii ay wasiiradu   xilalka kula kala  wareegayeen oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Dib-U-Dejinta ee magaaladda Hargeysa, waxa ka soo qaybgalay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dib-U-Dejinta  ee xilka wareejinayay Axmed Cabdi Kaahin, wasiirka cusub ee dib-u-dejinta Cali Siciid Raygal oo hore u ahaa Wasiirka dhallinyaradda iyo Ciyaaraha.
Wasiir ku xigeenkii hore ee dib-u-dejita ee xilka wareejinayay iyo wasiir ku xigeenka cusub waxa kale oo xafladaasi ka soo qaybalay  wasiirro, wasiir ku xigeeno, agaasimeyaal guud, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, mas’uuliyiin kala duwan iyo marti sharaf kale.
 
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-U-Dejinta oo munaasibaddaasi hadal ka jeediyay ayaa uga mahad naqay sidii wanaagsanayd ee ay u soo wada shaqeeyeen Wasiirkii hore iyo wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda dib-u-dejinta oo labadoodba hada loo bedelay Wasaaradda Ciyaarahay.
 
Waxaanu  yidhi “Hawshii balaadhnayd ee fiicnayd, ee intii aad Wasaaradda joogtay aynu wada qabanay, oo aad iyo aad aadna ugu amaanan tihiin, wax muuqda oo cadna ahayd, waxaan rejaynayaa in Wasaaradda aad imika tegaysaana wasiir iyo wasiir ku xigeen in aad sidii tii hore iyo si ka fiican aad samayn doontaan”, ayaa sidoo kale waxa  ka waramay waaxyaha  ay Wasaradda dib-u dejinta ka kooban thay, tirade shaqaalaha ka hawlgala wasaaradda,  guud ahaan iyo sidoo kale goboladda iyo degmooyinka dalka ee ay wasaaradda dib-u-dejinta xafiisyadda ku leedahay.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wasaaradda dib-u-dejintu waxay ka kooban tahay afar waaxood oo kala ah waaxda lacagta, waaxda IDP’s baro-kaceyaasha gudaha, waaxda qaxoontiga dadka la soo celinayo ee dibadaha laga soo celinayo iyo waaxda dadka muahaajirinta ee soo galaya dalkeena in la kaantaroolo ee magaceeda loo soo gaabiyo MRC, afartaas qaybood ayay wasaaradu ka kooban tahay”.
Waxaanu intaasi ku daray “Shaqaalaha Wasaarad guud ahaan inta xarunta joogta 42 qof, waxa kale oo dibadda nagaga maqan 32 qof, MRC, waxa jooga 17 shaqaale ah, xidhiidhka raashinkana waxa jooga 8 shaqaale ah, dhamaan marka la isku geeyo shaqaalaha wasaaradu waa 98 qof.  Wasaaradda Dib-U-Dejintu waxay goboladda ku leedahay afar xafiis, gobolka Awdal xafiis ayay  ku leedahay, gobolka Gabiley xafiis ayay  ku leedahay, gobolka Togdheer, gobolka Sanaagna xafiiska iyada ayaa iska leh, xafiisyadaasina dhamaantoodba shaqaale ayaa jooga, oo ka shaqeeya.   Waxa kale oo  imika nagu soo biiray xafiis Berbera ah, oo uu guddoomiyuhuna siiyay  laakiin goboladda Saraar iyo Sool, iyo Selel intaba isu-duweyaal ayuun baa noo jooga hal qof ah, Buuhoodle, fwxa jooga”ayuu yidhi agaasimuhu.
Wasiirka  cusub ee wasaaradda dib-u-dejinta Cali Siciid Raygal, oo hadal ka jeediyay xafladii uu xilka kula wareegayay ayaa sheegay in uu hawlaha Wasaaraddaasi halkaa ka sii wadi doono, isla amrkaana intii awoodiisa aanu waxba kala hadhi doonin.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirkii hore ee dib-u-dejinta Axmed Cabdi Kaahin, oo uu dhawaan madaxweynuhu magacaabay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha. Waxaanu Axmed Cabdi Kaahin si balaadhan uga waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii xilka wasaaradaasi hayay.
Isagoo xusay in waxkasta oo u hirgalay ay qayb weyn ku leeyihiin, isla markaana ku amaanan yihiin   dhamaanba shaqaalaha kala duwan ee waaxyaha wasaaradda iyo masuuliyiinta maamulka ah sida agaasimaha guud, wasiir ku xigeenka iyo agaasime waaxeedyadda.
Dhinaca kale waxaa iyagna xafladaasi xilalka kulak ala wareegay  wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda dib u dejinta Yuusuf Garas iyo wasiir ku xigeenka cusub ee  dhawaan wasaaradda dib u dejinta loo soo magacaabay Nimco Xuseen Qawdhan.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply