Roobabka Guga Oo Ka Curtay Deegaanno Ka Tirsan Somaliland

0
385

Hargeysa(Dawan):-  Roobka  Guga,ayaa shalay ka curtay gobollo ka mid ah Somaliland Roobka guga  ee ka hooray gobolo ka mid ah Somaliland ayaa ahaa raxmaad EEBBE  oo si ay si weyn ugu diirsadeen dad iyo duunyaba.
Wararka  roobabka guga ee ka curtay deegaanada Bariga iyo Galbeedka Somaliland,ayaa bilow u ah  curashada roobabka gu’ga iyo raxmaadka EEBE ee sanadka  waxaanay shalay roobab lagu qabawsaday oo aan wax khasaare ahna keenin ay ka hooreen deegaano ka kala tirsan gobolada Sanaag’Awdal iyo Gabilay.
Roobabka Gu’ga ayaa shalay markii laga soo baxay Salaaddii Jimce waxaa uu ka da’ay magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal roobka  ka hooray gudaha magaalada Boorame,ayaa ka  soo bilaabmay dhinaca waqooyi ee magaalada, waxaana raxmaadka EEBBE ee Boorame ka Da’ay si weyn ugu qabawsaday dadka iyo duunyada deegaanka gobolka Awdal.
Geesta kale waxay isla shalay roobabka Gu’gu ka curteen deegaano ka tirsan gobolka Sanaag roobka ka da’ay  deegaanada gobolka ,ayay wararku intaa ku darayaan in roobka gugu   degaanno  ka tirsan koonfurta Sanaag u badan  oo ay ka mid yihiin degaannada u dhexeeya Sarmaanyo iyo Kulaal iyo meelo kale oo kamid ah gobolka Sanaag in shalay casarkii illaa fiidkii uu ka da’ayay roobka  guga oo ka curtay deegaanno kala duwanoo ka mid ah Somaliland.Waxaa kale oo isla shalay roobka gu’yaad uu ka curtay magaalada Gabilay oo uu ka da’ay salaaddii casar kadib. Guud ahaan roobka guga ee ka curtay deegaannada ka tirsan Somaliland,ayaa bilaw u ahaa raxmaadka EEBBE ee roobka Guga oo si wayn loogu qabawsaday dad iyo duunyaba iska markaana ku soo beegmay xilli deegaano badan oo ka tirsan gobolada Somaliland ay  ka jirtay abaar dad iyo duunyoba taabatay.
Waxaa hadaba la gudboon  bulshada Somaliland xamdi naq ALLE iyo in ay nimcada IILLAAHAY aynu ku shugri naqno ALLENA kabarino in uu inoo siyaadiyo nimcooyinkiisa inagana badbaadiyo nusqaantooda.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply