Cilmi-baadhayaal ay hogaaminayaan Culimo ka tirsan jaamacadda ABRIDAYN ee dalka Ingiriiska, ayaa la sheegay inay badda gudaheeda ka soo saari doonaan maadooyin kiimikooyin ah oo aan weli lasoo saarin.
Waxa uu sheegay madaxa kooxdan oo lagu magacaabo MARSEL JASBARIS, isla markaana maadada Chemistry-ga ka dhiga jamacada ABRIDAYN, inay jiilka soo socda u soo saari doonaan dawo wax tar leh.
Daraasaad ku saabsan cilmi-baadhistan ayaa waxaa ay sheegaysaa in dawadan laga soo saari doono fogaan dhan ku dhawaad 6.8 mile ama 11 km oo biyaha hoostooda ah, waxayna cilmi baadhistu shaacisay inuu sii socon doona baadhitaanka ay wado jaamacadu.
Dhinaca kale, Degmada San Diego ee gobolka California ayaa wadda qorshe lagu macaanaynayo biyaha badda. Qorshahan ayaa soo socday muddo 12 sano ah, waxaana la filayaa in shaqadu dhamaato sanadka 2016-ka.
Mashruucan oo laga hirgalinayo magaalada Carlsbad ee Countiga San Diego ayaa filaysa in dhaqaalaheedu uu kori doono marka mashruucan la dhameystiro.
Haddaba baahida markii horeba keentay in mashruucan la hirgaliyo ayaa ahayd in dhaqaalaha kor loogu qaado lagagana maarmo, baahiyaha kale.





















