Madbacadda Qaranka Iyo Wargeyska DAWAN Oo Hawl-karnimadooda Ku Muujiyay Olalihii Nadaafadda

0
445

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Wargeysyada Dawan Media Group Maxamed Cismaan Mire (Sayid), iyo Maareeyaha Madbacada qaranka Somaliland Cabdillaahi Maxamed Jaamac (Caray) oo horkacayay shaqaalaha ka hawlagal hay’addahaasi ayaa si weyn uga qayb qaatay ololaha nadaafadda ee shalay dalka lagu nadiifiyay magaalooyinka dalka.
Maareeyaha Madcabada qaranka Somaliland Cabdilaahi Jaamac Caray ayaa shaqaalaha Madbcada ku bogaadiyay sida ay uga qayb qaateen ololaha nadiifinta qashinka, waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu mahadnaqaya cidii fikirkan soo jeedisay ee ay Maskaxdooda ka soo maaxatay oo ah arrin aad iyo aad loogu baahan yahay,  waxaanan si weyn ugu hanbalyeynnaya shaqaalaha Madbacada qaranka iyo Wargeyska Dawan oo ilaa salaadi subax markii laga soo baxay ilaa wakhtigan imika aan taaganahay shaqaynaayay,  nadaafada haday tahay dhismaha Madbacadu ku taalo dhabarkeeda iyo haday tahay dhinacyadeedaba si weyna wey ugu hawlgaleen aad baanan ugu mahad naqaynaa. waxaanu soo jeedinaynaa inay arintani noqoto mid la joogteeyo ama sanad ha noqoto amase bil ha noqotee ama la soo celiyo mudadii barigii hore loo qoondeeyay ee aheyd 45-ka cisho una noqonaysa wadanka waxqabad aad iyo aad u weyn.”
Guddoomiyaha DAWAN Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) ayaa  bulshada u soo jeediyay inay masuuliyad iska saaraan muhiimada ay leedahay nadaafaddu, waxaanu yidhi “Wadaniyada iyo damiirku ha inna xukumaan oo dadkeennu ha gartaan in waxan la qabanaayo ee laga shaqaynayaa uu dantoodii yahay , inuu caafimaadkoodii yahay, inuu deegaankoodii yahay inuu noloshoodii yahay. Waxaanan rajaynayaa  in maalmaha soo socda ay tayo yeeshaan olaleyaasha nadaafaddu, waxaanan u mahad naqaya shaqalaha madbacada qaranka iyo shaqaalaha Wargeyska Dawan  oo iyagu ololahan nadaafadeed uga shaqeeyay si xilkasnimo leh.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply