Shirkadda Sagal Jet Oo Si Mug Leh Uga Qayb Qaadatay Ololihii Nadaafada

0
389

Hargeysa (Dawan)- Shirkadda daabacaada xayaysiisyada ee Sagal Jet ayaa si laxaad leh uga qayb qaadatay ololihii nadaafada ee uu ku baaqay madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo shalay si mug leh uga qabsoontay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka.
Madaxa suuq-geynta shirkada daabacaada xayaysiisyada ee Sagal Jet Sacad Cabdi Daahir ayaa wargeyska Dawan uga warbixiyay sidii ay uga qayb qaateen ololahaasi nadaafada, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaanu maanta ka qayb qaadanay ololihii nadaafada ee ay xukuumaddu ku baaqday, kaas oo ah masuuliyad qaran oo qof kasta oo muwaadin ah saran, ka shirkad Sagal Jet ahaana bilicda magaaladu waa arrimaha aanu aadka uga shaqayno.”
Mr. Sacad Cabdi Daahir isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu intaa ku daray “Haddaanu nahay shirkada Sagal Jet mar kasta waanu soo dhawaynaynaa waanuna hambalyaynaynaa ololahan nadaafadeed iyo wax kasta oo kor u qaadaya bilicda caasimada. Waxa kale oo aanu soo jeedinaynaa in aanay mar noqon ee la soo celceliyo oo la joogteeyo, sidii aynu nadaafadeena kor ugu qaadi lahayn. Weliba xiligan waa xiligii roobabka, waa xiliyadii ay xanuunadu dhalan jireen, nadaafaduna waa rugni ka mid ah iimaanka, inta xashiishku kuu jiro ayuu xanuunkuna kuu jiraa, waxaan leeyahay aynu khashinka iska gurno, aynu heegan u ahaano. Waxyaabaha guud ee caamka ah ama danta guud ee qaran Shirkada Sagal Jet waa mid u diyaar ah oo mar walba heegan ugu jirta.”
“Waxaanu ka shaqaysiinay soddon qof oo ka mid ah shaqaalah shirkada Sagal Jet, muddo laba saacadood ah oo ka mid ah wakhtigayagiina waxaanu shalay siinay danta guud ee qaranka, muddadaa labada saacadood ah waxaanu ugu talo galnay in aanu ku nadiifino inta u dhaxaysa isgoyska Togdheer ilaa iyo Timacade, oo aanu ku baahinay soddonkaa shaqaalaha ah,” ayuu yidhi madaxa suuq-geynt shirkada Sagal Jet Mr. Sacad Cabdi Daahir.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply