Marwadda Koowaad Oo Ku Baaqday In La Joogteeyo Ololeyaasha Nadaafadda Ee Magaalooyinka

0
386

Hargeysa (Dawan)  Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa shalay kumanaan ka mid ah shacbiga ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qeyb-gashay ololihii nadaafadda  ee laga fuliyay magaalooyinka dalka oo dhan.
“Maanta waxaan leeyahay daawanaayoow waa dalkaagii, kuligeen waxaynu u midownay in aynu nadiifino dalkeenna oo dhan ololahani waxa uu ka socdaa dalka oo dhan, maadaama oo ay Hargeysi caasimadii tahay hormood baynu u nahay dalka oo dhan,”ayay tidhi Marwadda koowaad.
Marwo Aamina  Waris waxay ku dooday in billic-samida magaalooyinku ay si dhab ah uga turjumaan wadciga iyo duruufta dal kasta, waxaanay tidhi  “Martida innoo timaadaa waxay ku soo horaysaa caasimada, ra’yiga ay caasimada ka arkaan ayuun bay dalkoo dhan ka qaadanayaan. Marka Hargeysi waa muraayadii dalka. Ololahanina waxa uu ka socdaa guud ahaan dalka oo dhan waxaan leeyahay qofowna ha hagran dalkaaga waxqabadkiisa.”
Marwadu waxay sheegay in hawshan aan halkaa lagaga hadhi doonin ee la joogtayn doono, waxaanay tidhi  “Maanta haddii la ururiyo bariba wuu imanayaa khashinkii, hawl galkan nadiifinta dalka ama khashin ururinta waxaanu ku rajo weynay in aanu bishiiba hal mar samayno ololahan oo kale, inta u dhaxaysana ay dawlada hoose hawsha halkaas ka sii wado haddii alle yidhaa.”
 
“Guddida bilicda caasimadu waxay wadaan qorsheyaal ay ku horumarinayaan korna ugu qaadayaan bilicda caasimada dalkeenna ee Hargeysa. Dadweynaha waxaanu ka codsanaynaa in ay nagu taageeraan arrintaas oo nagala shaqeeyaan hagaajinta  bilicda caasimada.” Ayay tidhi Marwo Aamina Waris.
 
 
 
Isla goobtaa waxa kale oo ha hadlay Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mida golaha deegaanka caasimada, waxaanu yidhi  “Maanta waa maalintii khashin ururinta, waxaanu aad ugu mahad naqaynaa marwada madaxweynaha oo nala shaqaynaysay boodhkana nagula jirtay, maanta waxaanu    xoog ka helnay dhammaan ha’yaddaha kala duwan iyo shirkadihii hawshan ka qayb qaatayba. Waxaanu aad ugu mahad  celinaynaa madaxtooyada qaranka oo uu hawl-galkani xageeda nagaga yimi, waxaanuu ahaa mid aanu u baahnayn run ahaantii.”
 
Xildhibaan Xasan Shahar waxa uu canaan u soo jeediyay qaar ka mida shirkadaha dalka oo uu sheegay inay ka gaabiyeen hawshan ururinta khashinka, isagoo arrintaa ka hadlaayayna waxa yidhi “Waxaanu farriin u diraynaa shirkadaha waawayn ee khashin soo saarka oo aad moodo in aanay ka muuqanin hawl-galkan, waxaana ka mida shirkadaha dalka jaadka kee nna. Shirkadahaas waxaanu leenahay khashin baad soo saartaane ka qayb qaata maalinta ololaha qaran ee lagu dhawaaqay, iyadoo ay maalmo kalena innoo dambeeyaan.”
 
Xildhibaanku  wuxuu intaas ku daray  “Maanta Hargeysa mid yar iyo mid weynba waa la wada shaqaynayaa, shaqadaa aynu wadnaana waa mid wax ka taraysa caafimaadka guud ee bulshadeenna.”
 
Ururka khudradleyda suuqa waaheen ee Iidaan oo ka mid ahaa ururada wadaniga ah ee ka qayb qaadanaayay hawshan Khashin ururinta ayaa waxa sida ay hawshaas ugu soo baxeen ka hadlay gudoomiyahooda. Cabdifataax Aw Axmed Muxumed waxaanuu sheegay in ay si wayn ugu soo bexeen hawshan, isla markaana ay nadiifiyeen qaybo ka mida wada dheer ee wadnaha.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply