Maxbuus Guursaday Ka Hor Dhimashadiisa Saacado Yar

0
383

Maxbuus  u dhashay dalka Ustareliya oo sugayay  fulinta xukunka dilka ee maxkamadda dalka Indonesiya ku riday ayaa guursaday gabadhii ay ku heshiiyeen guurka ka hor fulinta dilkiisa 72 saacadood. Ninkan oo 31 jir ah laguna magacaabo Andrew Chan ayaa ku guursaday gabadha lagu magacaabo Fabianti Heryuela xabsiga uu ku xidhnaa oo ku yaalla jasiiradda Nusakambangan. Warkan oo ay baahisay wakaaladda wararaka Antar ayay ka soo xigatay walaalkii Maichel Chan oo sheegay inuu goob joog ahaa markii jeelka dhexdiisa loogu sameeyay xafladdii meherka ahayd.

Leave a Reply