Waxay Ku Umushay Goobtii Shaqada

0
528

Gabadh Maraykan ah oo 25 jir ah ayaa ku umushay xamaamka goobtii ay shaqaynaysay. Gabadhan ayay fooshu u qabatay si lama filaan ah.  Hooyadan oo aan naxariis lahayn ayaa ilmihii yaraa ku riday Kiish Balaastiik ah , waxayan ugu qarisay  xafiiska si ka baxsan naxiista hooyanimo.  Nus saac ka dib ayay arintu noqotay mid fashilantay.  Shaqaalaha ayaa wakhtigaasi soo saaray maydka ilmaha yar oo naqasku ku xidhmay , waxayna xamaamka ku arkeen dhiig aad u farad badan,. Booliiska ayaa si degdeg ah goobta u yimi iyagoo xidhay hooyada aan naxariista lahayn ee Kimberly Papas. Gabadhan ayaa sheegtay inay iyadu aanay dilin ilmaha laakiin uu soo dhacay isagoo mayd ah, waxaana tidhi “ anigu waxaan u malanyanay inuu yahay dhicis, oo aanu noolaynba”.
Dhakhaatiirta Isbitaalka oo qaliin baadhis ah ku sameeyay ilamaha yar ayaa cadeeyay inuu u dhintay dil si u kas  loogu geystay. Iyagoo si cad u sheegay in sababta u dhintay ay ahayd markii ay neeftu ku xidhantay sida baadhista sambabadu ay cadeeyeen.
 

Leave a Reply