“Noloshu Quraac Iyo Qado Maaha Ee Ummadu Anshax Bay u Baahan Tahay” Abwaan Hadraawi

0
534

Hargeysa (Dawan):  Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Abwaan Jibriil Maxamad Xirsi oo ka mid ah abwaanada waawayn ee reer Somaliland ayaa waxa ay si  wada-jir ah uga hadleen dhaqanka is bedelay ee dhalinyarrada, sababaha keenay iyo sida ay suurto-galka u tahay in dib loo soo celiyo.
Abwaanadu waxa ay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Huteel Imperial ee magaalada Hargeysa,
“Dhaqanku ummad buu haybad u yahay, dhaqankuna sidiisaba waa aqoon iyo anshax baa la yidhaahaa, innagu ummad baynu  nahay caalamka ka mid ah oo kownkan adduunyada jooga ka mida ,waxa aynu sheegano iyo waxa aynu isku difaacno iyo wax aynu isku furano intuba waa inay jiraan,”ayuu yidhi Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame.
Abwaan Hadraawi  waxa uu sharaxaad iyo faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dhaqanka iyo waxa uu yahay, waxaannu yidhi “Noloshu  quraac iyo qado iyo cisho maahee ,ummaduna anshax bay u baahan tahay dhaqankuna wax kale maaha ee waa anshax ama asluubta,kiina albaabkii hunguriga ee innagu furmay wakhtigii gumeysiga ayaa fitir-faatir u kala tuuray oo maanta wax aynu   haynaa ma jirto, hase ahaatee, waxa la yidhi caano daatay-ba dabadood la qabay, walina fursad baa jirta in laga daba-tago .wixii innaga lumay ee Magaala-galku baabiiyay, waxa kaliye ee maanta dib u soo celin karaana waa iyadoo warbaahintu ay u gurmato sidii ay u soo celi lahayd dhaqankaa lumay.”
Abwaan Hadraawi waxa kale oo uu intaa ku daray “Waana laga maarmaan inay umadu ogaato waxaa maanta jira iyo wixii shalay jiray oo umadeenuna ogaato cida aynu nahay ,caalamkuna marka uu waayo wax uu inagu qadariyo waala ina nacayaa ,umad baynu aheyn, dhaqan baynu laheyn,  dhaqaalaynu laheyn, taariikh baynu laheyn magic baynu laheyn, intaas oo dhan maanta midina ma jiro oo Magaala-galkaa u sababa ,oo wixii ay karaamadeena iyo sharafteena iyo raganimadeenu ku xidhnayd baa meesha ka baxay ,oo waa in laysweydiiya yaynu nahay Somaliland baanu nahay ama reer hebel baanu nahay markaa waa in  karaamadi aynu lahaan jirnay, dhaqankii aynu lahaan jirnay iyo aftahanadii aynu lahaan jiray soo nooleynaa.”
Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi waxa kale oo uu intaa raaciyay “Ummadeenuna waxa ay ahaan jirtay xoolo dhaqato reer guuraa ah oo labada wakhti ee subaxdii iyo habeenkii ayay caano dhammi jirtay , baahideedu intaasay aheyd ,hase ahaatee imika waa mid aan la soo koobi Karin oo dhinac walba leh ,markaa wixii ay haysay ummadeennu waxa ka xoog badan baahida, arrintaas  baahiduna qayb ayay ka tahay inuu isbadelo dhaqanku oo uu meesha ka baxo , markaa waxaannu leenahay in dhaxalkii ummadii innaga horeysay ka tagtay la baadi doono oo dib loo qoro loona gudbiyo ummada si ay u ogaadaan inay leeyihiin dhaqan iyaga u gaar ah.”
Abwaan Hadraawi waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha sababta u ah in bulshadu ay ka tagto dhaqankeeda waxaannu yidhi “Waxa u sabab ah inay dhalinyarrada iyo dadka waaweyniba ay ka tagaan dhaqankoodii, ummada ay ka dhasheen ayaa waxan u sabab ah, markaa waxa aad arkeysaa iyada oo maanta inanka toban jirka ah iyo odayga todobaatan jirka ahi ay isku caqli yihiin, waana taa ta keentay inuu dhaqanku lumo ,mana jirto bulshadii kala soocnayd ee raga iyo dumarka laheyd, waayeelka iyo waxgaradka laheyd ma jirto ee hala iska kaashado sidii dhaqankaa dib loogu soo celin lahaa.”
Sidoo kale waxa isaguna ka hadlay dhaqankan lumay Abwaan Jibriil Maxamad Xirsi waxaannu yidhi “Ummad kasta oo adduunka joogtaa dhaqan bay leedahay oo dhaqankeeda waa ayku faro adag tahay , markaa wixii burburay oo dhan waxa innagaga daran dhaqan burburka innagu dhacay. markaa bulshaddu waa inay dareentaa ,dhaqanku inuu yahay nolosha umada sideedabana bulsho meel ku nooli waxa ay ku dhaadataa dhaqankeeda kaas oo u ah sumad baryahan dambena dhaqankeenii waa uu burburay cida burbureysayna waa ummadeena meel kale laynoogama iman oo laynagama soo duulin.”
Abwaanku waxa kale oo uu intaa raaciyay “Markaa bulshada waxaan ku waaninayaa inay dhaqankoodii dib u soo celiyaan, soo nooleeyaan, intayada waa weynina ku xisaabtano jiilka soo kacaaya inay naga helaan shay dhaxal-gala oo dhinaca dhaqanka ah uga tagno una hawlgalno sidii dhaqanka loo soo celin lahaa, markaa dhaqanku waa sumada kaliya ee aynu leenahay waana inaynu adkeynaa takaliya ee maanta dhaqankeena dib loogu soo celin karaana waa iyada oo warbaahinta iyo waayeelku iskaashadaan  oo dhaqankii hore la soo celiyo kan imika jirana wax laga qaato.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply