50 qof oo ku dhimatay dhulgariir ka Nepal

0
352

Saraakiisha howlaga gargaarka ee ku sugan dalka Nepal waxa ay sheegayaan inay weli ogaanayaan qasaaraha dhabta ah ee uu sababay dhulgariir kale oo ku dhuftay dalkaasi.
Dhulgariirkii labaad ee Talaadadii dalkaasi ka dhacay, waxaa ku dhimatay ugu yaraan 50 qof, 17 kalena waxay ku dhinteen dalka jaarka la ah ee Waqooyiga Hindiya.
Howlaha badbaadinta ayaa dib u bilowday saaka. Swarnim Wagle, waxa uu ka tirsan yahay waaxda qorsheynta qaran, wuxuuna sheegayaa inaysan markale u diyaar garoobin dhulgariir kale oo heerkan gaarsiisan…..
“filashada dhulruxunada dambe waxay socon kartaa ugu yaraan illaa sanad. Laakiin heer intaan la eg oo la mid ah dhulgariirkii shalay, oo cabirkiisu gaarayay 7.3 Magnitude, lama filaneynin. Sidaad ogtahay, qiyaastii 4 ama 5 iyo xittaa 6 inuu gaaro cabirka waan fileynay, balse maya heerka aan shalay aragnay. Ayuu yiri sarkaalkaasi u hadlay dowladda Nepal.
Dhammaadkii bishii hore, dhulgariir ka dhacay Nepal waxaa ku dhimatay ku dhowaad 10 kun oo qof, welina waxaa socoto gargaarka loo fidinayo dadkii waxyeellada ay ka soo gaartay.
 

Leave a Reply