Wakiilka Midowga Yurub u Qaabilsan Somaliland/Soomaaliya oo Curiyay Fikirka Mudaharaadka Uu Ku Baaqay WADDANI

0
357

Hargeysa (Dawan)-Mudaharaadkii dhicisoobay ee uu doraad ku baaqay xisbiga Waddani ayaa la sheegay inuu ahaa shirqool dhagaraysan oo la doonayey in lagu bur buriyo qaranimada iyo nabadgelyada Somaliland, kaas oo uu xisbiga Waddani u soo laqimay wakiilka midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Carvone d’Urso oo u dhashay wadanka Talyaaniga isla markaana ah nin si weyn uga soo horjeeda qadiyadda madax-banaanida Somaliland.
Sidaana waxaa Wargeyska Dawan u xaqiijiyey warar aanu ka helnay ilo xog ogaal ah oo u dhuun daloola xidhiidhka qaran dumisnimada ah ee ka dhexeeya wakiilka midawga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo xisbiga Waddani, gaar ahaan Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isagu sida la sheegay mudooyinkan dambeba wakiilka midawga Yurub u ahaa gacan yare iyo adeege  fir fircoon oo loo adeegsado waxyeelada iyo hagardaamada Qaranimada JSL.
 
 
 
Waxa ilo xog ogaal ahi  sheegeen in xisbiga WADDANI  uu  wakiilka midowga yurub u gudbiyay ashkatooyin badan oo sumcada qaranimadda Somaliland wax loogu dhimayo, taasina ay xiiso gelisay danjirahaasi  oo u arkay  Guddoomiyaha  xisbiga WADDANI inuu noqday adeege   uu u  adeegsan karo waxyeelaynta iyo nacaybka uu u hayo Somaliland.
 
Xidhiidhka Guddoomiye Cirro iyo dhex maray   Mr. Michele Carvone d’Urso oo soo taxnaa bilihii la soo dhaafay oo dhan, waxa la xaqiijiyay inuu  Cabdiraxmaan Cirro ku dhaliyay fikrada mudaharaadyadda sharci darrada ah ee uu ku baaqay xisbiga WADDANI,  si uu qaylo-dhaantooda fursad siyaasiya uga helo.
 
Waxa daaha ka qaaday xaqiiqadda arrintan  in mudaharaadkii WADDANI ku baaqay lagu beegay maalintii Isniintii ee  uu socdaalka ku yimid Somaliland  Mr. Michele Carvone d’Urso , xiligaasi oo Golaha Guurtiddu ay xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda u kordhiyeen  muddo sanad iyo toban bilood ah, ka dib markii doorashooyinkii la filayay inay dalka ka qabsoomaan 26-ka Bisha June ee fooda innagu soo haysaa ay dib u dhaceen.
 
Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland/Somalia oo socdaal saddex maalmood ah ku yimid dalku waxa uu shalay kulamo gaar gaar ah la yeeshay   Masuuliyiinta xisbyadda  WADDANI iyo UCID. Waxa la Cadeeyay shirqoolka wada jirka ah ee WADDANI Iyo wakiilka midowga Yurub ay u maleegayaan Somaliland dibada u soo saaray  markii  Michele Carvone d’Urso la kulmay xisbiga UCID isla markaana uu u qadimay su’aal la xidhiidhay sababta xisbigaasi ugu biiri waayay mudaharaadkii xisbiga WADDANI iclaamiyay  oo ay UCID Sheegeen  inaanay  shaqo ku lahayn.
Inkasta oo aan war  rasmi ah laga soo saarin  waxyaabaha ay ka wada hadleen, balse  waxa ilo war-galeen ahi ay tibaaxeen  in masuuliyiinta UCID ay si wadaniyad leh ugu sharaxeen wakiilka midowga Yurub in ay ka baaqsadeen banaan-bixii WADDANI markii ay arkeen inaanu wax faa’iido ah u lahayn qaranimadda Somaliland, isla markaana uu Waxyeelaynayo nabad-gelyadda iyo xasiloonida wadanka.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in saraakiishii ka socotay xisbiga UCID ay kala hadleen d’Urso  in Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)  Laftiisu u riyaaqay  muddo kordhinta Golaha Wakiiladda ee iyagana mudada loo jidiidiyay isagoo illaa imika aan iska casilin mansabka Guddoomiyenimadda aqalka hoose ee baarlamaanka.
 
Wakiilka Midowga Yurub waa dublamaasi u xagliya Soomaaliya, waxaannu u ololeeyay inuu mashaariic badan oo horumarineed oo Somaliland laga fulin lahaa ku talliyay in laga hirgeliyo  Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa mashaariic la xidhiidhay dhinaca horumarinta dhaqanka iyo afka.
Guddoomiye Cirro iyo xisbigiisa  WADDANI waxa uu majaraha siyaasadiisa ku jiheeyay  inuu dagaal siyaasadeed  la galo qaranimadda Somaliland ee uu doonayo inuu   mansabka hoggaanka dalka u tartamo. Waxa hore Guddoomiye Cirro iyo xisbigiisa sumad xun ku noqotay markii ay ashkato been abuur ah iyagana ka fidiyeen cutubyo ka mid ah ciidamadda Booliska Somaliland oo ay sheegeen inay dadweynaha dhibaateeyaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply