Xoghayihii Shirweynihii Koowaad Oo Ka War Bixiyay Siday Beeluhu Ugu Dhammaayeen Madax-baanida Somaliland

0
346

Hargeysa(Dawan):- Xoghayihii Shirweynihii  koowaad ee beelaha Somaliland ay ku qabsadeen magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco lagagana dhawaaqay la soo noqoshada madax-bannaanida Qaranimada Somaliland Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho), ayaa ka war bixiyay sidii uu u qabsoomay shirweynahaasi iyo  siday ku timi la soo noqoshada qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland  ee la isula qaatay.
Waxaa kale oo uu ka hadlay 24 sanno ka hor maalintii lagu dhawaaqay la soo noqoshada Madax-bannaanida Qarannimada Somaliland oo uu Aadan Baradho qudhiisu ahaa qofkii ugu horreeyay ee ku dhawaaqay  in maalintaasi ay uga dhignayd ciid aan hore u soo marin farxadna ay u wada ahayd guud ahaan ergooyinkii beelaha Somaliland oo dhan ka kala yimi ee shirkaa ka qayb galay wada qaatayna gooni isu taagga Somaliland.
 
Xaaji Aadan Baradho Waxaa kale oo uu ka hadlay sababta keentay ku dhawaaqida Jamhuuriyadda Somaliland in ay ahayd xisaabtan buuxa oo wax la iskaga waydiiyay 1960 illaa 1991 intii ay jirtay midawgii lagu hungoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya waxay reer Somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba faa’iido ka arkeen iyo dhibaatooyinka ka dhashay midnimadii lixdankii taasoo keentay go’aanka qarannimada Somaliland ku timi.
 
Aadan Axmed Diiriye waxa uu sidaasku ku bayaamiyay waraysi gaar ah oo uu shalay magaaladda Hargeysa ku siiyay Weriyeyaal ka tirsan wargeyska DAWAN.
“Markii SNM ay dalka xoraysay ee lagu guulaystay halgankii mudada badan socday ee aynu ku ridaynay rIjiimkii Siyaad Barre waxay SNM qabatay oo ay gogol u fidisay guud ahaan beelaha dega  Somaliland oo qaybina SNM ahayd, qaybina aanay raacsanayn oo ay dhanka kale ahaayeen  gogoshaa SNM u fidisay beelaha ayay isugu yimaadeen, waxgaradkii cuqaashii, salaadiintii guud ahaan beelaha Somaliland wada dega min Ceelaayo illaa Lawyacaddo. waxaanay SNM isku dayaysay in ay ergooyinka beeluhu gaar u soo wada hadlaan oo isa soo turxaan bixiyaan la isna saamaxo oo dib u heshiisiin ay madaxdhaqameedka iyo wax garadka beeluhu soo wada sameeyaan.
 
Markii ergooyinka beeluhu gaarkooda u gudo-galeen arrimaha aayo ka tashiga ummadda waa la xisaabtamay oo waxaa la is waydiiyay guud ahaan dalkii Somaliland ee Ingiriisku gumaysan jiray waxay faa’iido ka hayaan midnimadii ay la galeen Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray  ee ay horumar ka arkeen intii ay jirtay wixii la odhan jiray Jamhuuriyaddii  Soomaaliya waxaanay noqotay   dhan kasta markii laga eegay sadex shay oo labana ay Soomaaliya ku danaysanaysay midna ay dirqi ku hirgashay,” ayuu yidhi Aadan Baradho.
 
 
Isagoo hadalkiisa sii  watay waxa uu yidhi  “Sadexdaa shay ee  wax faa’iido ah laga arkay waxay kala ahaayeen dhismaha dekeda Berbera oo waxa ka soo baxa ay reer Soomaaliya qaadan jireen illaa maalintii la midoobay,wadada laamiga ah ee isku xidhaysay Laas-caanood illaa Dilla oo ay boobka khayraadka reer Somaliland u soo mari jireen mida sadexaadna waxay ahayd wershadii sibidhka oo dirqi ku hir gashay Maamulkii reer Soomaaliyana  ku dedaalayeen in wershadaana Koonfur laga dhiso dhagaxa sibidhkana buuraha Berbera  in laga qaado  taasoo markii dambe dirqi lagaga dhisay Berbera.  waxa kaliya ee 60-kii illaa 1991-kii   innaga soo gaadhay intaasay noqotay. Waxaa kale oo wax la iska weydiiyay maxaynu dhibaato ka dhaxalay.”
Aadan Baradho waxa uu ka hadlay sidii shirku u lafo-guray khasaarihii iyo wax-qabad la’aantii shacbiga Somaliland ka dhaxleen midowgii ay Soomaaliya la galeen, waxaanu yidhi  “Khasaarihii ka dhashay ee reer Somaliland midnimadii 1960-kii  ka soo gaadhayna wuxuu noqday mid aan la qiyaasi karin oo dad,dal iyo duunyaba saameeyay. waxaa la waayay gobol kaliya oo ka mid ah Somaliland oo hal mashruuc oo faa’iido leh laga hir-galiyay waxaa laga quustay wax kaliya oo la taaban karo oo guud ahaan bulshada Somaliland ka heshay midnimadii halka min Lawyacado illaa  Laas-qoray ay ka sinnaayeen dib u dhaca iyo boobka ay ku hayeen madaxdii kala dambaysay ee reer Soomaaliya.
intaa waxaa dheeraad ku sii ahaa gumaadkii iyo xasuuqii uu kula kacay qaybo ka mid ah beelaha reer Somaliland, waxaa kale oo intaa sii dheeraa in uu taliskii Siyaad Barre isagoo kursigiisa ku sii adkaysanaya in uu colaado kala dhex dhigay beelaha wada dega Somaliland.”
 
Xoghayihii shirweynihii koowaad ee beelaha Somaliland,  ka hadlay sidii 18-kii May 1991-kii loogu dhawaaqay dawladnimadda afar iyo labaatan jirsatay ee Somaliland, waxaanu yidhi   “Markii la isla gartay in waxaas oo dhibaato ahi ay ka soo gaadheen bulshadda reer Somaliland midnimadii ay la galeen koonfurta waxaa lagu go’aansaday oo la isla qaatay in dadka reer Somaliland oo isku dhan wax garadkii beeluhuna u wada joogaan in lala soo noqdo Madaxbannaanidii 1960-kii ay reer Somaliland iska tuureen gaarkoodana isu taagaan,  markaas ayaan ku dhawaaqay  la soo noqoshada gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland in guud ahaan ergada beelaha wada dega Somaliland isla qaateen intaa ka dibna go’aankii ay ergada beeluhu isla qaateen ee aan ku dhawaaqay ayaanu u soo gudbinay shirweynihii SNM oo  markii hore intay beelaha gogosha u fidiyeen isu daayay shirkaas oo uu guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac oo markaa ahaa Guddoomiye ku xigeenka ururka SNM intaa ka dibna waxaa halkaa si rasmi ah lagaga dhawaaqay dawladda Somaliland.”
 
Aadan Baradho oo aanu waydiinay maalintaa ay ergada beeluhu isla qaateen la soo noqoshada Qarannimada Somaliland siduu dareenkoogu ahaa iyo wuxuu ka leeyahay hadalka   siyaasiyiinta Somaliland diidka ah ee ku  dooda Somaliland looma dhamma ee beeshii SNM  ayaa samaysatay,waxaanu yidhi . “Horta SNM markii ay dalka qabteen ee ay dalka xoreeyeen waxay gogol nabadeed isugu keeneen guud ahaan beelihii Somaliland  SNM-na waxay wax garadka beelaha u daysay in ay aayaha ummadda ka soo tallo bixiyaan dib u heshiisiin dhab ahna ka dhex dhaliyaan beelihii colaadda laga dhex abuuray,  ergadii beelaha oo isu dhan ayaana gaadhay go’aanka Somaliland lagu dhisay SNM-na ula timi,hoggaankii SNM-na taasay nala qaateen.  laakiin siyaasiyiinta Somaliland diidka ah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkan waxaan u arkaa fikirkooda Somaliland diidka ahi  inuu  ka dhashay  oo kaliya  mansab ay dalka ka waayeen  iyo dhaqankii aynu ka dhaxalay nidaamkii aynu la midawnay oo ka shaqayn jiray oo kaliya isku dirka iyo hurinta colaadda,  laakiin waxaan odhan lahaa Somaliland qasab iyo caadifad laguma dhisin ee rabitaan dadwayne iyo is xisaabin wixii midnimada dhib iyo dheef reer Somaliland ka dhaxleen ayaa la soo noqoshada Qaranimada lagu dhisay waanan hayaa waraaqihii ay wada saxeexeen waxgaradkii beelaha Somaliland oo mid kastaba deegaanka uu  ka socdo iyo magiciisu ku saxeexan yahay.”
 
Ugu dambayn Aadan Baradho waxaa uu guud ahaan bulshada reer Somaliland kula dar daarmay in loo wada midoobo danta guud iyo wada jirka Somaliland dhanna looga soo wada jeedo nabad gelyada wadanka. “Maanta waxaynu maraynaa 24 guuradii qaranka Somaliland oo aynu todobaadka dambe u dabbaal degayno 24 sanno waxaynu qabsanayna waxaa tusaale dhow kuugu filan intii ay jirtay Somaliland ilmihii dhashay ayaa jaamacad ka baxay oo shaqo galay,waxaa tusaale horumar kuugu filan maalintii aan ku dhawaaqayay go’aanka beelaha Somaliland wada gaadheen wax aanu wax ku qorno ayaanu maalin dhan raadinaynay markii dambe ayaanu soo hellay nin kaliya oo teeb haysta oo saldhigga dhexe ee Burco la fadhiista maalintaas  ninkaas ayaa  go’aamadii noo garaacay, maantana tuulooyinka Somaliland iyo Maraykan ayaa isku si looga wada adeegsadaa aqoonta tiknoolajiyadda casriga ah.Markaa waxaan ugu dambayn bulshada reer Somaliland kula dardaarmayaa waynu mahadinay la soo noqoshada Somaliland oo waynu ku noolaanay kuna caano maalnay waana wax ILLAAHAY loogu mahad naqo.”
Aadan Baradho waxa uu ku baaqay in lagu tun-tuunsado ilaalinta iyo adkaynta nabad-gelyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan intaa raacinayaa nabad-gelyada aynu wada ilaashano rag iyo dumar  yar iyo weyn.  dawlad iyo shicib mucaarid iyo muxaafid waxaa inna mideeya oo innaga wada dhexeeya ee aynu wada ilaashanaynaa waa qarannimada Somaliland qaranimo iyo dawladnimo waxay u baahan tahay wada jir iyo waxa la wada leeyahay oo la wada ilaaliyo taasaa inna midaysa ee aynu ku faro adaygno.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply