Qiso: Jeelkii Stalin Ee Aan Naxariista Lahayn!

0
411

Qarnigii tegay 1940-kii,  wakhtigaasi Jhoseph Stalin ayaa xukuumayay Midawgii Sofiyeetka (Ruushka), waxa lagu samayn jiray jeelasha dalkaasi tijaabooyin caafimaad dadka jeelasha ku jira.   Haddaba koox ayaa si toos ah jeelka Gulag ugu samaysay shan maxbuus tijaabo ah inay hurdada ka joojiyaan muddo bil ah. Kooxdan ayaa sheegtay inay baadhis ku samaynayaan mudada qofka aadamiga ahi uu ka maqnaan karo hurddo.
Ciqaabkaasi waxshiga waxay u adeegsadeen dareere loo yaqaan Nikolaev gas kaasi oo ka saacidayay in aanay lulo qaban. Maxaabiistan ayaa la geeyay qol cidla ah oo lagu dhoobay gaaskaasi oo Ogsijiin lagu daray. Qolka waxa la dhigay kutub iyo sahay raashin ah oo ku filan muddo shan bilood ah iyadoo biyuhuna ay dheeryihiin. Kooxdaasi ayaa kala socday maxaabiista daaqado muraayado ah iyagoo kula xidhiidhayay Mikirifoono shan ah. Shanta maalmood ee u horeeyay waxay maxaabiistu ku jireen xaalad caadi iyagoo is wada garanayay. Laakiin maalintii shanaad markii ay dhamaatay wuxu isu rogay xaalkoodu mid aan caadi ahayn oo yaab abuuray wuxu mid kasta ku mashquulay mikrofoonka. Maalintii sagaalaad ayay bilaabantay waalidoodii.
Mid ka mid ah ayaa aad u qayliyay qolka dhexdiisa isagoo kolba dhinac u socday  muddoo 3 saacadood ilaa uu hadalkiiba soo rogi waayay. Maxaabiista inta kale ayaa mikiroofanad ku xanshashaqayay iyagoo aan la fahmayn waxay leeyihiin, ilaa uu mid kale qaylo weyn bilaabay kaasi oo aad moodaysay inuu ku dhacay xanuunka lo’ad waalan.
Maxaabiista inta kale aya bilaaby inay googoyaan kutubtii taalay qolka. Waxyar ka dibnajoogsatay qayladii iyo xanshashaqii.  Saddex ka mid ah baadhayaasha aan naxariista lahayn ayaa la kulmay arin cajiib ah ka dib markii ay qolkii ka maqali waayeen wax dhawaaq iyo sanqadha ah laakiin ay haddan Ogsijiinta hadhay sheegayso inay weli nool yihiin.
Waxay kula hadleen mikrifoonki waxayna u sheegeen inay albaabka ka durkaan oo ay dhulka wada jiifsadaan haddii kale rasaas lala dhici doono. Maxbuuska sidaas yeela waxa loo siin doona xoriyadiisa ayay ku yidhaahdeen iyagoo u haysta inay soo jeedkii ka daaleen oo is yeelyeelayaan. Waxay maqleen cod daciifa oo leh wakhtigan ka dib marabno in laga furo halkan. Habeeen badhkii ayay askartii xoog ku gashay waxayna la kulmeen inay maxaabiistani  isu rogeen dadqlo iyagoo cunay mid saaxiibooda ka mid , welibana uu raashinkii u yaallo, waxaana ka dhacay diirka jidhka sare, muqaal ahaan waxay isu bedeleen bahalo. Sidaasi ayuu Stalin u ciqaabay dad shacab ah oo badan. Dadka aanay ku jirin cabsi  in lagu ciqaabo doono falalkoda xun waxay sameeyaan ficilo aad ay uga naxaan inta dareen wanaagsan leh.
 

Leave a Reply