Xasaasiyada Caruurta Oo La Ogaadey Inay Sababto Hawada oo Xumaataa

0
405

Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda  British Columbia ee wadanka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in  xayaasiyada caruurta yar yar ay sabab u tahay xawada oo sii xumaanaysaa,taasina ay in caruurtaasi yeelato Elerji  ama cun cun,gaar ahaaan wadamada leh warshadaha oo ahaa kuwa xooga la saaraayey.
Waxay kooxdan khubarada ahi sheegeen in hawada wasakhoobaysaa sababto in difaaca caruurta yar yar uu noqdo mid daciif ah,taasina ay keento inuu khal khalo diirka sare ee jidhku,sidaasna uu ilmaha yari ku yeesho cun cun.
Cilmibaadheyaashan ayaa sheegay in 100 caruur ah ee dhashaba ay 16 kamid ahi lee yihiin cun cunkaasi,kaas oo marba marka ka dambaysa horumar jidhka ku sameeya ama kusii fidi kuna siyaada.
Khubaradan ayaa wadamo badan kula talisay inay hawadooda ka dhigaan mid nadiif ah,sidoo kalena kula taliyey waalidka inay markasta isticmaalaan waxyaalo ay ku nadiifiyaan guriga dhexdiisa,taas oo yarayn karta hawada wasakhda ah ee guriga soo gelaysa..

Leave a Reply