Gaadhiga Ay Soo Saartay Shirkadda Google Oo Noqday Kii Ugu Shilka Badnaa Sannadka

0
367

Gaadhiga ay soo saartay shirkadda Google oo ah gaadhi waqtigan u jira tijaabadii heerka dhexe ayaa noqday gaadhiga ugu shilka badan intii sannadkan lagu jiray ,waxaanay marayaan shilalka uu galay ilaa 4 shil oo kala duwan,kuwaas oo ka dhigi kara gaadhigaasi mid laga mamnuuco wadanka Maraykanka oo ah halka uu ka galay shilalka ugu badan.
Isla bishii ina dhaaftay ayuu gaadhigaasi galay laba shil oo waxyeelo kasoo gaadhay dadkii aagaasi ka dhowaa,waxaanu shilkaasi ka dhacay gobolka California ee wadanka Maraykankan.
Gaadhigan oo ah nooca loo yaqaano Lexus SUV,ayay iibsatay shirkadda lagu magcaabo Delphi Automotive,taas oo iyaduna wada shaqayn dhow la leh shirkadda Google,waxaanay doonaysay inay tijaabada qaybteeda ka samayso,iyada oo gaadhigii ay qaadatay uu noqday ka galay shilkaasi afarta jeer.
Sida lagu sheegay warbixin la soo saaray,waxa ka badbaaday laguna guulaystay tijaabadooda laba kamid ah noocyada gawaadhida ah ee ay shirkadda Google soo saartay,kuwaas oo intii ay tijaabadaasi ku jireen aan gelin wax shil ah,sidoo kalena gawaadhidan ayaa ah kuwo leh bacda badbaadada ee PAG ,loo yaqaano,kuwaas oo darawal hadii uu saaran yahay ama qof caadiyiba ka badbaadinaaya marka shil dhaco.
Gaadhigan ayaa jaraaya 16 km per hour ama saacadiiba,shirkadda Google ayaa sheegtay in shilkaasi uu sababay khalad dadku ay sameeyeen ,kaas oo si khaldan u adeegsaday tilmaanta gaadhigaasi.
Shirkaddahan ayaa sheegay inay yarayn doonaan shilalka,kuwaas oo doonaaya inay ugu dambaynta meesha ka saaraan shilalkaasi ay gawaadhidoodu galaan,waxaana sidoo kale in gawaadhidaasi lagu isticmaalo loo ogolaaday saddexda gobo lee Michigan ,Nevada iyo Florda ,iyada oo aan la ogolayn sharci ahaan in la diwaan geliyo haddii uu shil galo gaadhigaasi,waana mid ka gedisan California.
 
 

Leave a Reply