Burco (DAWAN): Maayarka magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Muraad iyo Guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka Burco ayaa si wada jir ah shalay u dhagax dhigay Wado 1 KM ah oo laga hirgelinayo gudaha Magaalada Burco.
Maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, oo hadal ka jeediyay dhagax-dhigaasi ayaa sheegay in ay sanadkan u qorshaysan tahay hirgelinta Wadadan.
Waxaanu yidhi “Maanta (shalay) waxa nasiib wanaag ah Wadooyinka, sannadkan haddii aanu nahay maamulka, golaha deegaanka iyo gobolka, waxaanu dhagax dhigaynaa Wadooyinkii noogu jiray Miisaaniyadda Wadadan oo dhan 1 KM. dhismaheeduna noqonayo dhimse carsi ah oo ah Wadooyinka aanu ku balan qaadnay sannadkan in aanu hirgelino haddaanu nahay maamulka golaha deegaankaba Degmada Burco.
Waxaanay Wadadani noqonaysaa kuwo ugu qiimaha badan waana Wado carsi ah.”
Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye, ayaa dawladda hoose ee Burco ku bogaadiyay dedaalka ay ugu jiraan horumarinta bilicda magaaladda Burco.
Waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa xubnaha golaha deegaanka iyo Maayarka Burco oo dedaal ugu jira kor u qaadidda bilicda Burco una keenay daamur badan, dadweynaha reer Burco waxa ku waajib ah sida Hargeysa oo kale inay qaadhaanka kala qayb-qaataan dawlada hoose oo ilaashadaan hantida loo samaynayo, oo golaha deegaanka iyo Maayarka u dedeelaya gacan siiyaan. Gobol ahaana waanu soo dhaweynaynaa mashruucaa balaadhan ee la dhagax dhigayo.”
Xoghayaha dawlada hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sh. Cismaan Nuur ayaa bulshada ku dhaqan Burco ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dhaqaalaha lagu horumarinayo Waddooyinka.
waxaanu yidhi “Halkan waxaanu ka samayn doonaa oo aanu dhagax-dhignay Wado 1 KM ah, Wadadaas qaabka loo samaynayaa waa mid casri ah oo qaababkii hore ee Wadooyinka loo samayn jiray aan ahayn, lacagta ku baxaysaana waa 200 kuna oo Dollar ku dhawdhaw, ILAAHAY waxaan ka rajaynayaa inay si fiican oo quman inoogu dhamaato. Waxa kale oo aan dadweynaha reer Burco u soo jeedinayaa in xaafad kasta oo qaadhaan bixisa aanu Wado u samayn doono, waxaanan haynaa laba kulan oo Foosto oo daamur ah, labadaa kun ee Foosto ee daamurka ah Burco ayaanu kaga samayn doonaa 20 KM markaa waxaanu sheegaynaa xaafad kasta oo dadaasha oo qaadhaan bixisa in aanu Wado ka dhex samayn doono.”
Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan golaha deegaanka Burco oo halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Inay Burco bilawdo sida Magaalooyinka kale oo ay shirto si ay u samaysato Waddooyin waaweyn oo bilic leh labada kun ee daamur, anagu Burco ayaan u haynaa Iskuulka Mustaqbal ayaa lacagti diyaariyay oo aan ku bilabaynaa hadda.” Ayuu Yidhi Xildhibaan Bidhi.
Dawannews Hargeysa office