Saylac(DAWAN): Maamulka gobolka Salel, ayaa si adag u beeniyay jiritaanka war sheegayay in ganacsato reer Somaliland ahi ay xidhiidh wax kala iibsi uu dhex maray kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yeman.
Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Selal ahna ku simaha Guddoomiyaha Cabdiqaadir Aadan Yuusuf, oo xalay telefoonka ugu waramay Dawan isagoo joogay Sayalac, ayaa si adag uga jawaabay war kusoo baxay qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa sheegay in warkaasi uu yahay dambi qaran oo dalka laga galay.
Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku-xigeenku in ciddii warkaa qortay ay dacwad ka gudbin doonaan, isla markaana ay ku kala bixi doonaan sharciga.
Guddoomiye ku-xigeenka Salel, oo ka hadlayay arrimahaasi waxa uu yidhi ”Dalku waa Somalilad, wax xidhiidh ahna lama laha gobolka Selal kooxda Xuutiyiinta ee Yeman ka dagaalanta. Guud ahaan dalka Somaliland-na waa qaran dawladiisu ay gacanta ku hayso, oo aanay suurto-gal ahayn in ay ka dhacdo wax sharciyadda baal marsan. Kooxda Xuutiyiinta ah ee dagaalka ka wada Yeman-na cid xidhiidh la lihi ma jirto, mana jiri doonto.
Ciddii warkaa qortayna waxaanu ka gudbinaynaa dacwad sababtoo ah, waxay dambi ka galeen qaranimada Somaliland, oo waxay sheegeen war been ah oo saamayn kara dalka oo dhan. waxay dalka kaga been abuureen in uu xidhiidh ganacsi la leeyahay koox argagixiso ah, taasi oo aan jirin. markaa ciddii warkaa qortay sharciga ayaanu ku kala baxaynaa”.
Mar aanu waydiinay gudoomiye xigeenka Selal, in ay jiraan nooc ganacsi oo guud ahaan dalka Yeman iyo ganacsatada gobolka Selal ka dhexeeyaa. Waxa uu ku jawaabay. “Dalka Yeman intii aanu dagaalku ka dhicin waxaa gobolka Selal ka dhexeeyay ganacsi noocyo kala duwan ah, oo ganacsatada reer Saylac iyo dad asal ahaan reer Yeman ah oo Saylac degeniba ay la lahaayeen dalka Yeman waxyaabo kala duwanna ay ka ganacsan jireen. Laakiin markii dagaalku ka dhacay ee dalka Yeman uu noqday dawlad la’aan wax ganacsi ah oo Yeman gobolku uula leeyahay ma jiro.
Waxaa xataa meesha ka baxay oo istaagay kalluumaysatadii reer Yeman oo kalluunka ka ganacsan jiray ee laga iibin jiray oo maanta badda gobolka Selal waxaa ka Kaluumaysta Kalluumaysatada reer Somaliland oo laga iibsadaa.
Dhinaca kale Yeman waxaa ka socda barakac oo waa laga qaxay, waxaanay dadkii reer Yeman u kala qaxeen oo ay qaxootinimo ku galeen dalalka Somaliland, Jabuuti, markaa maba jirto cid xidhidh ganacsi lala yeesho oo dalkaa ka ganacsataa.
Laakiin waxaa dalkaa ka jira fawdo iyo qalalaase xukuumadda Somaliland-na waxay fiiro gaar ah u leedahay dhaq dhaqaaqyada ka socda dalka Yeman iyo qaxoontiga ka soo qaxay ee imanaya Somaliland”ayuu yidhi.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Selal, ayaa sidoo kale waxa aanu wax ka wadyiinay sida ay ula socdaan ka maamul ahaan dhaq-dhaqaaqa jabhadda xuutiyiinta ee ah in aanay ka soo gudbin dhinaca badda. Waxaanu yidhi “Horta waxaa dambi ah xuutiyiinta ayay ganacsato reer Saylac ahi wax ka iibisaa wargaysyada qorayna dambi ayay galeen oo dalka ayay ka dhigeen mid caawinaya koox dagaal caalamiya lagula jiro dacwadoodana Maxkamadda ayaanu u gudbinay.
Dhanka kale in aanay gobolka soo geli Karin Xuutiyiintu fiiro gaar ah ayaanu u leenahay oo waxaa gobolka ku sugan ciidanka Illaalada xeebaha oo ku sugan jasiiradaha Sacaadadiin Ceebaad iyo guud ahaan jasiiradaha gobolka ku yaalla oo dhan waxaanay heegan buuxa ugu jiraan ciidanka Ilaalada Xeebuhu in aanay dalka Somaliland soo gali karin cid ka mid ah kooxaha dagaal oogayaasha ah eek u sugan dalka Yeman.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office