Iiran oo Wariye lagu Maxkamadaynayo

0
568

Wadanka Iran waxaa lagu maxkamadaynayaa wariye u shaqaynayay wargayska Washington Post, kaas oo lagu eedeeyay basaasnimo sidaasi waxaa sheegaya wararka laga helayo Iran.
Jason Rezaian waxaa lagu hayay xabsi ku yaala Iran, tobankii bilood ee u dambaysay.
Wakaaladda wararka ee Iran ee ISNA waxa ay sheegtay in dhagaysiga dacwadaasi ay u socoto si qarsoodi ah.
Qareenkiisu wuxuu sheegay in dacwad oogayaashu aysan keenin wax cadaymo ah oo ay ku xoojiyaan dacwada ninkaasi loo haysto.
Dawladda Maraykanka iyo wargayskii uu u shaqaynayayba waxa ay sheegeen in arrintani aytahay wax aan la aqbali karin waxa ayna ku baaqeen in sida ugu dhakhso badan loo sii daayo wariyahaasi.
Wariyaha BBC-da uga soo waramaya Washington waxa uu sheegay in arrintani ay xasaasi tahay sababtuna ay tahay in ay soo shaacbaxday iyadoo lagu guda jiro wadahadalada u dhaxeeya Iran iyo Reer Galbeedka kaas oo ku saabsan Nukliyeerka Iran.
 

Leave a Reply