Waddani Oo Dib Ugala Noqday Gaadhi Ay Hore Ugu Deeqeen Urur Samo-fal Oo Ka Diiday Inuu Xisbigooda Taageero

0
289

Baabuurkan Ma Jeebadda WADDANI Ayaa Laga Bixiyay, Mise Miisaaniyadda Wakiiladda?
Ururka Midnimo Waxa u Cuntami Wayday Inay Ururkoodu Isu Bedalo Urur Siyaasadeed
 
Burco (Dawan)-Ururka Midnimo oo ka mid ah ururadda samo-falka ee ka hawl-gala goboladda barriga dalka ayaa cambaareeyay Tallaabo uu Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle uu dib ugala noqday Baabuur Lancruiser ah iyo agab kale  oo xisbiga WADDANI hore ugu deeqeen ururkaasi, markii ururkan oo ka jira Burco  uu doortay Hoggaan cusub oo aan taageersanayn siyaasadda xisbiga WADDANI, maadaama oo aan ururrada samo-falka loo ogolayn inay dhex galaan arrimaha siyaasadda.
Dhacdada WADDANI dib ugala wareegay ururkan gaadhigaas, ayaa daaha ka feydaysa  Fadeexad cusub oo u baahan in laga gun gaadho  kuna saabsan in la darso in xisbiga WADDANI uu ku hawl-galo  lacag laga soo garoocday miisaaniyadda Golaha Wakiiladda iyo in xisbigaasi uu ku tiirsan yahay dhaqaale xisbigu leeyahay,
Waxay tallaabadan markhaati cad u tahay eedo hore loogu jeedin jiray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  oo ku wajahnaa  inuu xisbiga ku wado lacag laga gacan togaaleeyay miisaaniyadda loogu tallo-galay in Golaha Wakiiladdu qaranka ugu shaqeeyaan.
“Anigoo ah Cabdirisaaq Siciid Ayaanlle, ahna Xoghayaha Guud ee Golaha Baarlamaanka JSL,Waxaan halkan ku caddaynayaa  inaan gaadhigii Land-cruiserka ahaa ee lam 360567, ee aan markii hore siiyay ururka Midnimo kala noqday isaga, Kombuyuutar iyo madbacad la socotay, ka dib markii  khilaaf na soo dhex galay aniga iyo ururka MIDNIMO. Sidoo kale kombuyuutarkii iyo madbacadii waxaan caawimo u siiyay  saldhiga dhexe  ee Booliska Burco,”ayaa lagu sheegay waraaq Nootaayo oo 1-dii bishan dib loogula kala wareegay Baabuurkan iyo agabkaasba. Gaadhigan dib loola noqday waxa markii hore ururka ku wareejiyay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada, taasina waa sababta uu haddana  dib loogu wareejiyay.
Masuuliyiin ka tirsan ururka Midnimo ayaa cambaareeyay gaadhigii loogu deeqay ee haddana dib loogala noqday, waxase ay ku doodeen in arrintani tahay mid dibada u soo saaraysa ujeedooyinka gurracan ee xisbiga WADDANI. Ururkan oo ah urur samo-fal oo aanay shaqadiisa ku jirin inay dhex galaan siyaasadda, ayuu xisbiga WADDANI culays ku saaray inay  taageeraan xisbigooda,iyadoo xubnaha ururkaasi ay u cuntami wayday inay ururkooda oo ka shaqeeya samo-falka ay u bedalaan urur siyaasadeed. Arrintani waxay muujinaysaa qorsheyaasha gurracan ee xisbiga WADDANI ku doonayo inuu ururada bulshadda gacaha u geliyo siyaasadda.
Baabuurkani waxa kale oo uu toosh ku shidayaa Xoghayaha Wakiiladda oo isaga oo shaqaale dawladeed ah, haddana dhex dabaalanaya siyaasadda, waxaanay caddaynaysaa kaalinta weyn ee uu ugu jiro xisbiga WADDANI.

Leave a Reply