Goobaha Ganacsiga Oo Mashquul Laga Dareemayo U Diyaar Garowga Bisha Ramadaan

0
374

Waxaa maalmihii u danbeeyay suuqyada magaalada Hargaysa laga dareemayay dhaq dhaqaaq ganacsi oo mashquul ah, iyadoo ay ugu wacan tahay filashada bilashada bisha Ramadaan oo ayaamo koobani inaga xigaan.
Intabadan dadka ayaa ku hawlan iibsiga raashiinka qeybihisa kale duwan sida raashiinka qutul-duruuriga, sharaabka iyo timirta.
Qaar ka mid ah dadka ganacsatada ah iyo  mid ka mid ah dadka iyagu wakhtigaas ka iibsanaayay goobaha lagu iibiyo Timirta iyo Sharaabka oo barnaamijka la hadlay ayaa sheegay in suuqa uu ka jiro maalmahan ganacsi xoogan, islamarkaana dadka ay isku diyarinayaan bisha Ramadaan.
Fu’aad oo ka mid ah dadka ganacsatada ah ayaa sheegay in raashiinka ,timirta iyo sharaabka, iyo saliida cuntadu ay yihiin kuwa ay dadku si aad ah u iibsanayaan. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: “ maalmaha ay inagusoo dhawaato bisha Ramadaan waxa si aad ah ay dadku nooga iibsadaan raashinka, timirta iyo sharaabka oo iyagu ka mid ah waxyaalaha ay dadku inta badan naga iibsadaan maalmahan oo kale waayo timirta iyo sharaabkuba waxay ka mid yihiin waxyaalaha ay dadkeenu ku afurayaan, in kasta oo ilaa hada uu qiimaha doolarku uu maraayo meel sare oo ay dadku wali naawilayaan inuu hoos u dhaco hadana sidaasoo ay tahay dadku waa kuuwaas iibsanaaya waayo maalmaha ay Ramadaantu soo gasho waxa dhacda in ay qiimahoodu sare u kaco”.
Dhanka kale bulshada ayaa iyagu wali naawilaaya inuu hoos u dhaco sarifka doolarku maadaama oo ay kaga xidhan tahay wax iibkii, waxaanay rajo ka qabaan talaabooyinkan ay xukuumado kor ugu qaadayso qiimaha lacagta dalka inay hoos u dhigto qiimaha doolarka oo inta badan ay ganacsatadu dadka wax kaga iibiyaan.
Maryan Ducaale oo ka mid ah Hooyooyin iyagu iibsanaayay ayaa waxay cabirtay siada ay walaaca uga qabaan qiimaha doolarka ee kaga xidhan inay wax ku iibsadaan ee hawada maraaya waxaana hadaladeedii ka mid ah: “ waxa jirta in iibsigu wali ku xidhan yahay qiimaha doolarka waayo meherada aad istidhaahdo wax ka iibso waxay kuugu badelayaan qiimaha sarifka marka shilinka lagu bedelaayo doolar kaas oo xiligan ah mid aad u sareeya taas ayaa dhibaato nagu ah oo ganacsatadana waxa aad moodaa kuwo aan dadkooda u naxariisanayn, qiimahan doolarka ee sare u kacayna saamayn ayuu ku yeelanayaa dhamaan maciishada oo halka aad marka uu sarifu hoos u dhaco uu ahaa $10 doolar  ilaa 70,000 SL Shillin ayaa waxa uu imika marayaa ilaa 80,000 kaas oo aan waliba lahayn meel laagusoo hagaago, taas ayaa dhibaato nagu ah anaga”.
Mushkilada ay dadku sida aadka ah uga cabanayaan iyadoo ay fooda inagusoo hayso bishii Ramadaan qiimaha sarifka doolarka oo wali aan saldhigan. Inkasta oo ay xusid mudan tahay inay dawladu ay qaaday talaabooyin badan oo ay hoos ugu dhigayso sare u kacan ku yimid sarifka doolarka oo ay ka mid tahay isticmaalka lacagra dalka.
 
 

Leave a Reply