Bush Walaalkii oo Shaaciyay Musharaxnimadiisa

0
308

Badhasaabkii hore ee gobolka Mareykanka ku yaalla ee Florida, Jeb Bush, ayaa shaaciyay in uu doonayo u tartamida madaxtinimada dalkiisa, isaga oo u sharaxan xisbiga jamhuuriga.
Isu soo bax ka dhacay magaalada Miami, ayuu Jeb Bush – oo aabihii iyo walaalkiiba ay Mareykanka u taliyeen – wacad ku maray in uu hagaajin doono dalka, oo uu sheegay in uu ku socdo wado aad u xun.
Jeb Bush ayaa dhaliilay waxa uu ugu yeedhay siyaasiyiinta caruurta ah ee Washington, isagoo sheegay in madaxweynaha xiga ay tahay in uu u isu diyaariyo bedelidda gebi ahaanba dhaqanka siyaasadeed ee ka jira caasimada.
Waxa uu ballanqaaday in uu khibradiisa maamul u adeegsan doono sidii uu Mareykanka uga dhigi lahaa awood dhaqaale oo aad u xooggan.
Jeb Bush ayaa noqonaya musharixii 11-aad ee doonaya in uu ku tartamo xisbiga jamhuuriga, waxaana aragtida dadweynaha ay muujineysaa in aanu jirin musharax ugu cadcad kow iyo tobonkaasi.

Leave a Reply