Qisada Markab Barmuuda Lagu Waayay 90 Sano Ka Hor

0
327

Ciidamada Ilaalada xeebaha ee dalka Kuuba ayaa bishii  May 16dii , ka helay biyaha badda Carbianka Markab aanay cidi wadin sida ay ku baahiyeen bogga Sputnik.
Markabkan ayaa la sheegay inuu ahaa Markabkii SS Cotopaxi oo biyaha Barmuuda lagu waayay sanadkii 1925.  Ciidamada ayaa la sheegay inay Markabka ka heleen deegaanka mamnuuca ka ah badmaaxyada ee galbeedka caasimadda Havana.
Ciidanka ayaa la sheegay inay u direen saddex doonyood oo kuwa ilaalada ah ka dib markii ay ka quusteen xidhiidh ay la sameeyeen Markabka soo maaxay, jawaabtiisa.  Markii ay gaadheen doonyihii loo diray waxay naakhudayaashu aad ula yaabeen muuqaalka Markabka oo la sameeyay 100 sano ka hor, taasi oo lagu waayay biyaha Barmuuda. Markabku wuu madhnaa waxna ma saarayn,  waxse laga dhex helay xusuus qorkii kabtanka  kaasi oo wakhtigaasi u shaqaynayay shirkada Maraakiibta ee Clinthvild Navaegachun, laakiin xusuus qorkaasi ma cadayn sababta markabka loo waayay 90 sano ka hor.
Ciidanka Kuuba ayaa cadeeyay in xusuus qorku ku koobnaa hawl maalmeedkii Kabtanka Markabka ilaa laga soo gaadhayay maalintii la waayay oo ahayd  bishii December 1dii sanadkii 1925. Maamulayaasha Kuuba ayaa sheegay in arinkan weli baadhayaan oo ay isku deyayaan inay helaan ariimo badan oo qarsoon.

Leave a Reply