Mar Keliya Ayay Sideed Nin Wada Guursatay

0
308

Wargeyska Daily Mail ayaa daabacay in gabadh degan Newyork ay xeer ilaalinta Maraykanku ku soo oogtay inay guursatay 8 nin mar keliya.
Ragga gabadhan guursanayay ayaa la sheegay inay ku doonayeen inay ku helaan jinsiyadda dalka Maraykanka. Gabadhan oo lagu magacaabo Liana Barrientos oo 39 jir ah ayaa raggan  guursaday dhamaantood ay yihiin kuwo ka yimi dalalka debeda. Gabadhan oo safarada debedda u bixi jirtay ayay ciidamada amaanka gudaha si taxadir leh ula socdeen. Waxaana la sheegay inay raggan ku soo kala guursatay dalalka Masar, Turkiga, Joorjiya, iyo dawlado kale.  Ninkeeda sideedaad ayaa u dhashay Bakistan laguna magacaabo Rashiid Rajbub, oo hore sanadkii 2006 laga mustaafuriyay Maraykanka ka dib markii uu ku dhawaaqay weedho halis ku ahaa Maraykanka.  Xeer ilaalinta ayaa wakhtigan keentay maxkamadda gabadhan iyadoo beenisay inay jiraan arimhaasi lagu soo eedeeyay, inkasta oo xeer ilaalintu ay wakhtigan ku soo oogtay in 4 nin qabaan.

Leave a Reply