Tamaandhadu Waxay Jidhka Ka Ilaalisaa Gabowga

0
300

Khubaro caalamiya oo muddo daba socday daraasadona ka samaynaayey faa’iidooyinka tamaandhada ayaa ugu dambayn soo saaray natiijo ay ka gaadheen siday sheegeen daraasadahaasi.
Khubaradan ayaa sheegay in tamaandhadu jidhka ka ilaaliso gabowga iyo waxyaalaha jidhka ku keena inuu isku soo ururo,taas oo jidhka gelisa Barootiino badan,kuwaasina waxay noqdaan siday khubaradani sheegeen kuwa keena in aanu jidhku noqon ku isku soo urura ama hore u gabooba.
Khubaradan oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo British University oo ku taala magaalada London ayaa sheegay inay tijaabiyeen daraasadan ,iyaga oo dad ay ku tijaabiyeen cunto ahaan u siin jiray in muddo ah tamaandhadaasi,iyaga oo sheegay in tamaadhadu ka ilaalinayso jidhka inuu isku soo rooro,waxyaalaha ka ilaalinayaana yihiin macdano ku jira tamaandhada oo lamid ah waxyaalah Ultravoilet Radiation ka loo yaqaano ee cad ceeda laga helo ,jidhkana faa’iidooyinka inta badan u leh.
Waxaanay sheegeen khubaradani inay sidoo kalena ku jiraan tamaandhada macdano loo yaqaano Acoppin iyo Lakopin oo ah kuwo unugyada jidhka ka ilaaliya inay isku soo dhowaadaan.
Waxaanay sheekeen khubaradani inay tijaabadan ka qayb galeen dumar badan oo da’ahaan gaadhaaya 40 ilaa 60 sanno,kuwaas oo daraasada ku jiray muddo saddex bilood ah,kuwaas oo loo kala qaybiyey laba qaybood,qayb waxa la siiyey waxay hore u cuni jireen ee caadiga ahaa,halka kuwa kalena la siiyey waxyaalo ka duwan waxaas oo tamaandho u badan.
Waxaanay sheegeen in kooxdii tamaandhada cuntay ee lagu tijaabiyey inay ahaayeen kuwo jidhkoodu helay UV radiation macdanta loo yaqaano,kuwaas oo jidhkoodu macdantaasi helay  50%,taas oo ahayd waxyaalaha cadaynta u ahaa in tamaandhadu jidhka ka ilaaliso gabowga.
 
 

Leave a Reply