Maxaad Ka Taqaan Afarta Cunto Ee Maskaxda Bani’aadmiga Koriya

0
381

Khubaro saynisyahano ah ayaa soo saaray liis cuntooyin ah oo ay sheegeen inay koriyaan maskaxda bani’aadmiga marka la cuno,kuwaas oo kamid ah cuntooyinka caadiga ah ee la cuno,qaarkoodna aan la cunin.
Kooxdan khubarada ah oo ka socotay machadka lagu magcaabo Institute for Science Research, kuna taala gobolka lagu magcaabo Masachostsalomrakih ayaa daraasadan sheegay inay wadeen muddo, iyaga oo hadda uun soo gebo gebeeyey,waxaanay sheegeen inay heleen intay daraasadan ku jireen cuntooyin afar nooc ah oo keena inay korto maskaxda dadku ama bani’aadmigu.
Cuntooyinkan ayaa kala ah ,Kaluunka,Beans-ka,Tamaandhada iyo Caanaha,kuwaas oo kor u qaada awooda xusuuseed iyo xifdiga,waana kuwo kobciya ayay yidhaahdeen maskaxda qofka.
Khubaradan ayaa gaar ahaan dumarka uurka leh ugula taliyey inay cunaan oo badsadaan Kaluunka,iyaga oo sheegay inuu koriyo horena u mariyo maskaxda,sidoo kalena waxay tilmaameen in yaraanta oo lagu badsado cabitaanka caanaha iyo waxyaalo kale oo uu kamid yahay Caano Fadhiga loo yaqaano Cheese uu keeno koboca xifdiga.
Waxaanay khubaradani kula taliyeen dadka inay ilaaliyaan joogto u qaadashada waxyaalahan,kuwaas oo faa’iidooyin badan u leh maskaxdooda ama maskaxda bani’aadmiga.

Leave a Reply