Barack Obama, Madaxweynaha Mareykanka ayaa noqonaya madaxweynihii u horeeyay ee mareykan ah oo isaga oo xilka haya amaba kursiga ku fadhiya booqda Ethiopia, sidaasna waxa sheegay Aqalka cad.
Mr Obama ayaa u socdaali doona caasimada Addis Ababa dabayaaqada bisha July si uu ula kulmo dawladda Itoobiya iyo hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa tegi doona Kenya ka hor socdaalkaasi oo hore loo shaaciyay isaga oo booqanaya dalkii aabihii ka soo jeeday markii u horeysay isaga oo ah madaxweyne.
Waxa uu hore u soo booqdey dalalka Ghana, Egypt, Senegal, Tanzania, iyo South Africa.
Hoggaamiyaha Mareykanku waxa uu ka qeyb geli doonaa shir ganacsi oo caalamiya oo ka dhacaya Kenya.
Inta uu joogo Ethiopia,”waxa uu kala hadli doonaa sida loo dardar gelin lahaa koboca dhaqaale,xoojinta heyadaha dimoqraadiyada iyo hagaajinta amniga,” sidaasi waxa u sheegay warfidiyeenka Josh Earnest oo ah xoghayaha saxaafada ee Aqalka Cad.