Dhibaatadda Dhaqaalle Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn Qeybta 10-aad

0
294

Dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha ee maanta la soo dersay dalkeenna ee ka dhashay shirkadaha isgaadhsiinta oo u muuqda kuwa gebi ahaanba la wareegay hawlaha Bangiyada, iyagoo isticmaalaya adeegga loo yaqaan “Mobile money”, waxa ay dhibaatooyinka qalalaasaha gelinaya dhaqaalaha ay hore u soo mareen dalal ka mid ah bariga Afrika oo aan ka soo qaadanayno dalka Kiiniya.
Hawl kasta oo la qabanayo waa lagama maarmaan  ah inay lahaato nidaam iyo xeer kala haga, si aan isku dhac iyo khaladaad kale uga iman, ta lacagtuna dhammaan hawlaha kale way khatar badan tahay, kana damac iyo maroorsi waalan tahay wax kasta. Sidaa darteed shuruucdeeda iyo xeerarkeeduba way ka adag yihiin kuwa kale oo dhan, waxana sidaa loogu adkeeyey si aan qofna u waayin lacagtiisa.
Haddii aan wax yar idiinka kor-xaadino dhibaatooyinka lagala kulmay adeegsiga “mobile money” ee dalka Kiiniya ka hor intaan loo sameyn xeerka ama tan dalkeenna haatan ka taagan ee isticmaalka adeegga “mobile money” waxa ay si cad u muujinaysaa inaan cidna nidaam iyo shuruuc la’aan ka dhex shaqeyn Karin bulshadda dhexdeeda, haddii aanay raacin kuna hawl-gelin xeerarka iyo nidaamka lagaga dhaqmo dalkaasi.
Imika adeegga aan xuduud sharciga iyo damaanad midna lahayn ee laga isticmaalo dalkeenna ee loo yaqaan “mobile money” malaha wax sharci ah oo u qabanaya qofka isticmaala adeeggan hadduu lambar si khaldan uga diro qaddar lacag ah intay doonto ah ahaatee oo aan ka ahayn, in shirkaddu lambarkaa uga soo celiso lacagtii sida  khaladka ah ugu soo dhacday xisaab socodkiisa (account), waa haddii aanu markaaba kala bixin lacagtii, ka dibna kala tuurin telefoonkaba.
Tusaale kale haddii aan idinka siino damaanad la’aanta adeegga “mobile money” waxa ka mid ah inaan horta marka horeba qofka ama shirkadda  furanaysa adeeggan “mobile money” aanay shirkadu wax dhigaal lacageed ah aanay ka ahayn cida ay u furayaan xisaab socod (account) si haddii uu u qaato lacag aanu lahayn looga  jaro xisaabta dhigaalkiisa (deposit) waayo tani hadday jirto waxayba noqon lahayd mid lagu aamino shirkadaha adeeggan leh.
Dhacdooyinkan iyo kuwa kale oo la mid ah, ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu yar ee qasbaya in xeer nidaamiye lagu dhaqo shirkadaha isgaadhsiinta ee ka shaqeysta adeeggan loo sameeyo, si loo ilaaliyo hantidooda iyo ta kale ee shacbigaba, maadaama dhammaantood ka mid yihiin hantida qaranka.
Dalka Kiiniya markii ugu horreysay ee ay shirkad la yidhaa Safaricom ka biloway dalkaasi adeegga “mobile money” oo haatan loo yaqaan M-pesa, waxay sida shirkadaheenna oo kale iska baal-mareen inay ku dhaqmaan xeerarka ganacsiga lacagta, si kastoo uu habkoodu uga duwan yahay  qaabkoodu kii hore loo yaqaanay  ee lagaga dhaqan jiray dalkaasi.
Muddo aan ka badnayn laba sanno, markuu adeegga M-pesa ee mobile-ka ah ka dhex shaqeeyay  dalka Kiiniya, waxa markiiba seyladihii ganacsiga ka bilaabmay sicir-barar. Sidoo kale waxa hoos u dhacay qiimihii shillinka ee dalkaasi, waxana aloosmay doodo iyo  dareen celino dhinacyo kala duwan ka bixinayeen isticmaalka adeegga “mobile money” ee loo yaqaan “M-pesa”
Cinwaano waaweyn ayaa si xidhiidh ah ugu soo baxayay wargeysyada iyo shabakadaha wararka oo wax lagaga sheegayo adeegga M-pesa, taas oo  uu markii dembana uu Baanka dhexe ee kiiniya bilaabay dhaqdhaqaaq la xidhiidha wax ka qabashada adeeggan.
Khubarradii Baanka  ee lahaa mas’uuliyadda wax ka qabashada arrintan, ayaa ka hawl-galay siday u sameyn lahaayeen marka hore daraasado la xidhiidha adeegga M-pesa oo ay ka mid yihiin wax ka ogaanshaha baaxadda macaamiisha adeegga M-pesa, qiyaasta lacagaha wareegga ee macaamiisha iyo dhaqdhaqaaqyada kaleba.
La soco…………………………….

Leave a Reply