Cajiib: Tarbiyadda Caruurta Japan

0
347

Dalka  Japan caruurtooda ayaa dirays isku mid ah dugsiyda ku wada dhigtaan. Waxaana caruurta la baraa maado lagu magacaabo “Dariiqa akhlaaqda” mudada ay ku jiraan fasalada koowaad ilaa kan lixaad ee dugsiyada hoose.
Ma jirto wax lacag ah oo caruurta laga qaado inta ay ku jiraan fasalada koowaad ilaa dugsiga dhexe, maxaa yeelay waxay aaminsan yihiin inay tahay dhisidda ilamaha, iyo in la ogaado waxa ay maskaxdiisu ku fiican tahay. Inkasta oo uu Japan yahay dalka ugu qanisan dunida haddana Japan ma laha jaariyado reerka u sheqeeya aabaha iyo hooyada ayaa masuul ka ah caruurta qoyska.
Caruurta dugsiyada Japan maalin kasta rubuc saac ayay xaadhaan dugsiga iyaga iyo macalimiinootoodu iyadoo looga jeedo inuu soo baxo jiil cusub oo Japan ah oo jecel nadaafadda. Dhamaan caruurta yaryari waxay sitaan burshka cadawgood si mar ay wax cunaan ugu cadaydaan taasi oo lagu tarbiyadeeyay si caafimaadkooda loo ilaaliyo.
Waxa ay caruurto leeyihiin nin lagu magcaabo madaxa caafimaadka oo bishii la siiyo 8000 doller. Waxa uu caruurta siiya khudbado caafimaad sida in aanay ku isticmaalin mobilka tareenmada, huteelada iyo meelaha waxabarshada.
Dadka Japan ayaa lagu qiyaasaa kuwa ugu ilaainta badan wakhtiga dunida waxaan la sheegay in Tareenku sanadka oo dhan uu ka habsaamo goobtiisa qiyaas 7 ilbidhiqsi. Waxayna ogaadeen qiimaha wakhtiga ugan faa’idaysteen aduunyadooda.

Leave a Reply