Ciidamada Ruushka Oo Sameeyey Hub Garabka Lagu Qaadanayo Oo Gantaalada Ka Hortegaya

0
414

Ciidamada wadanka Ruushka aya soo saaray taariikhda markii ugu horeysay hub cusub oo garabka la saarayo,kaas oo lagula dagaalamaayo gantaalada laga soo rido meelaha fog fog,waxaanu hubkaasi si fudud u burburinayaa gantaaladaasi.
Hubkan cusub oo lagu magcaabo Verba anti Rocket ayaa ah mid si casriya loo farsameeyey,waxaanu gaadhayaa masaafo aad u dheer,iyada oo lagu qaadanaayo garabka ,waxaana si caadiya u xambaaraaya ciidamada ,waana hub in yar ka weyn hubka lidka diyaaradaha ee garabka lagu qaato.
Shir lagu magcaabo Internatioanal Military Forum oo la filaayo inuu June daba yaaqadeeda ka dhaco magaalada Moscow gobolka u dhow ee lagu magcaabo Kubinka ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo hubkaasi cusub.
Khabiirka faraha ku haya hubkan samayntiisa ayaa sheegay in gantaalkani yahay mid dili kara soona ridi kara gantaalada kala duwan ee caalamiga ah,gaarahaana kuwa Maraykanka Iyo Ingiriiska ,waxa kale oo uu xusay nooca Sweden lee dahay ee lagu magcaabo RBS70 iyo ka Faransiiska ee Mistral.
Hubkan ayaa Ruushka ka caawinaaya inay hubka NATO soo dhigayso soohdimaheeda Yurub ay si fudud uga hortegi karto,iyada oo aan isticmaalay gantaalo waaweyn.
Hubkan ayaa soo ridi kara sidoo kale diyaaradaha Drones ka loo yaqaano kuwaas oo ku socda xawaaraha dhan 500 ee mitir sikinkii,sidoo kale waxay soo ridi karaan gantaalada aan la arki Karin oo ay si daba gal ah kusoo ridi karaan,waxaanay wax kasoo ridi karaan 500 ilaa 6400 oo mitir,dhererkana 104500m.
Gantaaladan ayaa loogu talo galay inay diyaar ahaadaan muddo 8 sikin ka hjor ah inta aan la ridin ama aan la ogaan in gantaal kale hawada soo galay,iyada oo kuwii hore ee gantaalada soo ridi jiray la diyaarin jiray 3 ilaa 5 minutes ka hor inta aan la dareemin gantaalka kusoo maqan.
 
 
 

Leave a Reply