Shirkad Laga Leeyahay Ingiriiska Oo Waaxda Difaaca Maraykanka U Samaynaysa Qalab Cusub

0
382

Shirkadda laga lee yahay wadanka Ingiriiksa ee lagu magcaabo Aeronautics Malloy ayaa ku hawlan sidii ay u samayn lahayd qalab cusub oo sida diyaaradaha u shaqaynaaya kana yar diyaaradaha,kaas oo duuli kara,waxaana qalabkan iska leh wasaaradda difaaca ee dalkaasi Maraykanka.
Qaybta difaaca ee Maraykanka ayaa weydiisatay shirkaddaasi Ingiriiska ah inay u qaabayso qalabkan cusub oo ku shaqaynaaya Cheap Device cusub oo shirkadaasi samaysay,kaas oo u duulaaya sida diyaaradaha Helicopter ta loo yaqaano,kaas oo awooda inuu gaadho meelaha khatarta ah ee Milatariygu degan yahay.
Shirkaddan ayaa sidoo kale hore usoo saartay qalab cusub oo sida mootada oo kale u soconaaya,kaas oo ay raaci karaan ciidamadu,waxaanu qalabkani noqon karaa mid duuli kara marka loo baahdo,kaas oo lagu magcaabo Malloy Hoverbike,waxaanu mari karaa cirka iyo dhulka labada.
Qalabkan ayaa ah mid ku shaqaynaaya Battery,kaas oo aanay ilaa hadda sheegin khubarada samayntiisa ku hawlani sida uu u shaqayn doono.
Dhanka kalena qalabkan hore loo sameeyey ee Malloy Hoverbike ayaa ah mid waqtigan balaadhin lagu sameeyey ,kaas oo laga dhigay mid isaga oo bila duuliye ah socon kara,isaga oo qaadaaya waxyaalaha ay ciidamadu u baahan yihiin,waxaanay gaadhayaan culays ahaan waxyaalaha uu qaadi karaa ilaa 100kg.
Qalabkan ayaa tijaabooyinkiisa iyo daraasaadkii samayntiisaba lagu sameeyey Laab weyn oo ay lee yihiin ciidamada Milatariyga ee wadanka Maraykanku,kaas oo in muddo ah lagu tijaabinaayey.
 
 

Leave a Reply