Khubarro Helay Lafaha Dad Noolaa 10,000 illaa 19,000 Oo Sanno Ka Hor

0
389

Khubaro saynisyahano ah ayaa dhowana helay lafaha dad ay sheegeen inay noolaayeen muddo laga joogo 10,000 oo sanno ilaa 19,000 oo sanno,kuwaas oo laga helay meelo u dhow wadanka Chine iyo Taiwan ,waxaana helay khubaro u dhalatay wadana Japan oo dhowaanahanba halkaasi ka waday baadhitaano.
Dadkan ayaa laga helay meelo kamid ah jasiiradda Penghu oo kamid ah wadanka Taiwan oo ay baadhitaanadaasi ka socdeen ,sidan oo kalena hore looga helay lafo kuwan la mid ah ,kana muddo yar,kuwaas oo lagu sheegay inay ahaayeen dad halkaasi ku noolaa oo lagu magcaabo Pithecanthropus ,kuwaas oo badhtamaha Aasiya ku noolaan jiray.
Khabiir kamid ah khubarada baadhitaankan waday oo arrimahaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in dadkani yihiin dadkii bani’aadmigu kasoo jeedeen,kuwaas oo la rumaysan yahay ayuu yidhi inay ka yimaadeen Afrika iyo Aasiya .
Khubaradan ayaa sheegay inay sii wadayaan baadhitaanadan ay jasiiradan ka wadaan,kuwaas oo la gaadhsiin doono meelo ay sheegeen inay u qondaysan yihiin kuna tuhmayaan raadad taariikhi ah oo bani’aadmiga ku taxaluqa.

Leave a Reply