“Waxa Xukuumaddan Taariikhda u Galay Wadooyinka Dawladihii Hore Ku Dhici Kari waayeen ee Fulay”

0
336

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada waraafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka qayb-galay kulan lagu soo bandhigay Buug lagu naaqishayo tayaynta Wadooyinka Somaliland, waxaana barnaamijkan qayb ka ah hay’adda Wadooyinka Somaliland.
Kulan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Maareeye ku xigeenka hay’adda Wadooyinka, masuuliyiin ka socday hay’adda ILO iyo khabiiro aqoon u leh dhismaha Wadooyinka.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumaddu ay Wadooyin burbursanaa ay dib dhis ku samaysay “Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ay ku faani karto taariikhadana u galay, waxa ka mid ah waxqabadka hay’adda Wadooyinka, waxa ka mid ah Waddooyinka kuwa aan jiri jirin ee ay iyaddu samaysay, waxa ka mid ah Waddooyinka dawladihii kacaan ahaa, dawlado shacab ahaa iyo dawlado Xukuumaddan ka horeeyay aanay ku dhici karayn ee ay iyaddu bilawday oo socda ee Injineerkii fulinayay uu halkan fadhiyo oo Ceerigaabo ka mid tahay. Waxa ka mid ah Waddooyinka isku xidhaya Boorama iyo Hargeysa oo aad ogtihiin Boorama ilaa Dila ilaa Ingiriiskii in aanay Wadadaasi ahayd Wado jirta, maantana aad ogtihiin in Wadadaasi wakhtiga lagu tago iyo rafaadka loo mari jiray, waxaan ku amaanaynaa siday Wadooyinka u dhiirigeliyaan ee hay’adda Wadooyinku, Xukuumadda iyo Shacabku inta badan iska kaashadaan ee shacabkana lagu dhiirigeliyo waxqabsiga, oo lagu dhiirigeliyo siday wax u qabsan lahaayeeyn oo wax loogu daro oo wixii ay qabsadaan kolba wax u dhigma ama wax loo go’yay loogu daro , taasina ay suurto geliso in Wadooyin dhaadheer maanta la maro oo ay sidaas ku samaysmeen”. Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply